Sweden: Nin Xaaskiisa Ku Caawiyay inay Geeriyooto Oo Xukun Lagu Ridey
Nin lixdameeyo jir ah ayay maxkamadda degmada Ångermanland ee dalka sweden ayaa ku riddey xukun sannad iyo badh ah, iyadoona lagu soo eedeeyey inuu gacan ka geystay geeridii xaaskiisa oo muddo ay is qabeen.
Ciqaabta ninkan lagu ridey ayaa cinwaan looga dhigay dil aan ula kac ahayn oo xukunkiisu caadiyan yahay lix sannadood. Iyadoona maxkamaddu u aqoonsatay inay jiraan sababo looga dabcin karo, maadaama haweenayda uu ka caawiay inay geeriyoota ee xaaskiisu ay ka dalbatay ama diyaar u ahayd middaa xannuun hayay dartii.
“Wuxuu ahaa xukun la sugayay inuu u dhaco sida loo riday oo lagu xukumo dil aan kama’ ahayn. Waxaanse filaayay in lagu xukumi doono laba sannadood oo aad ugu hooseeysa xukunka ugu yar ee dilka kama’ ee lixda sannadood, ” sida ay sheegtay qareenadda uga faallooneeysay xukunkaasi shalay dhacay.
Qareenka ninka Thomas Bodströn, ayaa sheegay in aannu ku qanacsanayn xukunkan, isla markaana uu abiil ka qaadan doono.
Lixdameeyo jirka xukunku ku dhacay ayaa gacan ka siiyay xaaskiisa sidii ay ku geeriyoon lahayd, isagoona ku duray muqaadaraad dheeri ah ee morfiinta, midkaasina oo qareenka difaacayay uu ku macneeyay inay ka ahayd naxariis.
Halka haweenayda qudheedu isku dayday sidii ay nafta isaga gooyn lahayd, iyadoo welibana qortay warqad ay kaga dardaarntay is dilkeeda, isla markaana duubtay filim ay ku sheegaysay inay doonayso inay geeriyooto.