Marxuum Cali Khaliif Galaydh oo Maanta Aas Qaran Loogu Sameeyay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda janaasada ku tukaday, Alle ha u naxariistee, Raโ€™iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii Kumeel-gaadhka ahayd Marxuum Cali Khaliif Galeydh, oo aas qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho.

Diyaaraddii sidday Maydka Marxuum Cali Khaliif Galeyr ayaa markii ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa naxashka marxuumka oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Hees ah Astaanta Murugada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Aaska kaddib si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen Janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa hoygiisa ka yeello.

Aaskan Qaran ee loo sameeyay Marxuum Cali Khaliif Galeydh waxaa kasoo qeyb galay Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Raโ€™iisul Wasaare kuxigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan,

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed, Wasiiro, Xildhibaano, Ehelada Marxuumka, Odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Marxuum Cali Khaliif Galeydh Raโ€™iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa lagu xusuusan doonaa dadaalladii uu ku bixiyey nabadeynta, dib u dhiska dalka, horumarinta iyo samata-bixinta shacabka Soomaaliyeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker