Boqor Osman Buurmadow Oo Baaq iyo Talo u Diray Xildhibaannadda Cusub ee Golaha Degaanka Burco

“Sidaanu la soconno waxaa jira dhaqdhaqaaq ay wadaan wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ku sugan magaalada Burco. Waxa ay u joogaan inay isku jebiyaan ummadda reer Burco, iyaga oo u kala saaraya beelo iyo qabiillo.
Haddaba si aynnu u badbaadinno midnimada ummadda ehelka ah waxa an usoo jeedinayaa
Xildhibaan Suldaan Nuux Jaamac iyo xildhibaannada kale ee ka soo baxay xisbiyada mucaaradka ah; aniga oo og inaad ka cadhooteen xisbigiinnii, haddana si aynnu u badbaadinno midnimada dadka reer Burco
ugana hortagno khatarta xukuumaddu waddo waa inaad u tanaasushaan xisbigiinnii
Iyo goaankii ay ku soo xuleen maayarka iyo ku xigeenkiisa shirkii ka dhacay Hargeysa, kuna dayataan golihii deegaanka ee Boorame.
Waxaan ku rejo weynahay inaad aqbali doontaan taladayda. ”
Wabillaahi tawfiiq

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker