Arsenal Oo 10 Tababare Kala Dooranaysa, iyoTirada Murashixiinta oo aad U Badan

Daawo:Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la filayaa in ay waraysiyo ka qaaddo in ka badan toban tababare oo u ordaya shaqada macallinimo ee ka bannaanaatay, kuwaas oo maalmo gudahood ay go’aan kaga gaadhi doonto midka ay xulanayso.

 

Kabtankii Hore ee Arsenal, Patrick Vieira ayaa la sheegayaa inuu hoggaaminayo tartanka loogu jiro jagadan, inkasta oo dhibaato uu kula kulmayo horyaalka waddanka Faransiiska oo uu u layliyo kooxda Nice.

 

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in Waraysiga shaqo ee Arsenal lagu bilaabay macallinka kooxda Valencia ee Marcelino oo shaqo fiican ka qabanaya kooxda reer Spain, xalayna ka caawiyey inay usoo baxaan wareegga 16-ka Champions League.

 

Ciyaartoygii hore ee Arsenal, haddana ah tababare ku-xigeenka Manchester City ee Mikel Arteta ayaa ka mid ah ragga ka qaybgeli doona waraysiga ee booskan u tartamaya, waxaase xalay soo baxday in shaqadan uu cidlo ka qaadan doono Carlo Ancelotti oo Napoli ay shaqada ka caydhisay saacado kaddib markii uu usoo saaray wareegga 16-ka Champions League.

 

Tababarihii hore ee Tottenham ee Mauricio Pochettino iyo Max Allegri oo xagaagii iska casilay Juventus ayaa iyaguna ku jira liiska, hase yeeshee ma doonayaan inay shaqada qabtaan illaa sannadka cusub ee 2020 uu bilaabmayo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker