Dowladda Britain Oo isu diyaariysa in ciidamado geyso Yurub cabsi laga qabo Vladmir Putin awgeed

Dowladda Britain ayaa sheegtay in todobaadka soo socda ay Yurub ka billaabi doonto dedaallo isugu jira dhinacyada diblomaasiyadda iyo milateriga, xilli ay sii kordhaysa xiisadda u dhaxayso Ukraine iyo Ruushka.

Ra’iisal wasaare Boris Johnson ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu laba-laabo tirada ciidamadiisa NATO ee ku sugan dalalka Baltic-ga iyo Bariga Yurub, iyo in uu hub difaaca u diro dalka Estonia.

Ra’iisul wasaaraha, oo sidoo kale booqan doona bariga Yurub toddobaadkan, ayaa sheegay in UK aanay  u dulqaadan doonin “dhaqdhaqaaqyada xasilloonida ah ee Ruushka wada, mar walbana waan garab istaagi doonaa xulafadayada Nato”.

Waxa uu intaasi ku daray “Haddii Madaxweyne Putin uu doorto waddo dhiig ku daata iyo burbur, waxay ku noqon doontaa masiibo soo wajahda Yurub, Ukraine waa inay xor u noqotaa inay doorato mustaqbalkeeda.

“Waxaan ku amray ciidamadeena qalabka sida in ay isu diyaariyaan in la geeyo Yurub oo dhan todobaadka soo socda, si aan u xaqiijino in aan awoodno in aan ka taageerno xulafadayada Nato ee dhulka, badda iyo cirka.”

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker