AAR GABOOBEY W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

Aarku waa libaaxa lab. Waa mid kamid ah xayaanada duurka ku nool ee hilibka cuna, waxa lagu magacaa boqorka keynta, markaad dib u milicsato oo aad dhex muquurato suugaanta soomalida waxaad arkaysaa in libaaxu ku dhex amaanan yahay bulshada soomaaliyeed una yahay astaan geesinimo.waxa kusoo arooray maah-maahyo, murti, iyo suugaan kaleba kuwaas oo si dhaba u tilmaamaya libaaxa iyo wuxu yahay.

Libaax nimaan aqoon baa lax ka rita
libaax laba geed lagama wada kiciyo
Libaax laba raqood lagama wada kiciyo

libaax nin ganay iyo galladayba og. iyo boqolaalka kale oo suugaanta soomalida ku suntan. Libaaxu wuxu soomalida u yahay astaanta xooga, geesinimada, iyo buruudka, ninka dhiiran ee goobaha dagaalka ka sheegan, ninka aan waabane warmaha shafka u dhigta, ninkaas oo kale ayey soomalidii hore magaciisa intay aar ku darto ugu yeedhi jirtey hebel aar. Raage ugaas ayaa jeer ka gabyey tilmaanta bahalka libaaxa isagoo ereyo fudud asii lawada garankaro kusoo koobay, wuxu xusayaa muuqaalkiisa oogada iyo falaadyadiisa, sidoo kale aadanaha marka ay kulmaan iyo dareemadiisa argagaxa leh ee laga cabsoodo, wuxu xusayaa codkiisa hiingaara loo yiqiin ee marka ruuxu maqlo baqdin oo idil kusoo ururto, muuqiisa marka la arko cagaha wax laga dayo iyo weerarkiisa lagama kabtaanka ah ee uu kusoo qaado meesiyada la shafeecsado, indhihiisa gudguduudan ee aan dhugashada loo dhamayn Karin, raadkiisa markii la koryimaado laga gariiro, cidiyihiisa afka badan ee ruuxii malagii galo uu ku asiibo, iyo reenkiisa galiilyada badan ee aan aadmigu u joogi Karin intaaba wuxu raage kusoo kooban meerisyadan waxaanu yidhi:

Codkiis laga baq aragiis la carar wadane caydheeye
Il casuus leh raadkiis carjaba laga cabsoonaade
Cidiyo huuryo coofaadh buloow ci’ iyo reen baas leh
Mawaa lala ciyaaraa libaax laga cadhaysiiyey.

Xaaji aadan axmed afqalooc alle ha u naxariistee wuxu gabaygan curiyey taariikhdu mar ay maraysay bishii Febraweri 1969-kii, gabaygani waa faallo daymooday gun iyo baar waayihii kala gedisnaa ee dalku ku sugnaa.
Waxa meel walba daadsanaa oo ishu ku dhacaysey foolxumooyinkii iyo dandaradii ka dhashay doorashooyinkii hiirtaanyada badnaa ee ‘Food khasaaray’ la magaca baxay.Waxay ahayd doorasho ay ka qayb galeen 64 xisbi oo ku dhisan qaab qabiilaysan oo inta qoyskasta oo soomaliyeed xisbi samaystay ku ololeeyey magac qabyaaladeed. Hadaba xaaji aaadan axmed afqalooc ayaa isna jeerkaa ka cawday fadqalalooyinkii ay samaynayeen asxaabta siyaasada ee doorashooyinkaas ku loollamaysey, Xaajigu doorashooyinkaas wuu qaaddacay oo kama uu qayb qaadan, cidna ma siin codkiisa. Umal iyo ciil ku gaaxday ayuu goof la gelayaa, isaga oo aan geeriyoonna dhimasho isu dhigayaa!

Waxa uu Xaaji Aadan Af-qallooc garasho daymoonayaa adduunyadii kale ee Soomaalida la midka ahayd ee lala gumaysanayey ee Afrika, Aasiya iyo Laatin-Ameerika oo dadkoodii guntiga marada lowga geeyey oo u tafa xaydan in ay hore u heetiyaan, qaarkoodna horumar la taaban karaba sameeyeen oo guclo orod ku jiraan, halka Soomaaliduna ay dib u sii guurayso oo dabada dib ugu siqayso. Xaajigu Waxa uu oddorosayaa, saadaalinayaa in gabbalkii u dhacay oo caleentoodu cirka kasoo dhacday oo weliba caddaatay xukuumadihii rayadka ahaa ee sagaalka sannadood mindada daabkeeda isu dhiib dhiibayey ee ummadda cidlada eeri go’anta ah ku ooday. Xaajigu Is beddel dhinac kasta ah oo dalka ka dhaca ayuu sadaaliyey. Xaajigu wuxu ahaa mid ku xeel dheer kasmada ama aqoonta xidigiska wuxu halkan ku magac dhabayaa qaar kamid ah meerayaasha ay soomalidu taqaano kuwaas oo ay kamid yihiin dardaar, libdhe, saxal, raage, iyo dhulka. Dhawr bilood ka dibna waxa dhashay Kacaankii ciidamadu hoggaaminayeen ee Oktoobar 1969. Wuxu yidhi:

Sidii aar gabooboo ka jabay gaabatada lawga
Oo gabannadii lagaga diley geedu hadhinaayey
Oo nimanka godobtiisa qaba gur u jalleecaaya
Oo aan itaal wuxu galiyo orod ku gaadhaynin
Oo kayn intuu cadho la galay gawnaxyada buuray
Goortaan garwaaqsaday3 dhibaha shicibka gaadhaaya
Asaan gabay arrimo dhawr ahoo ila gudboonaadey
Waa waxaan xabaalaha u galay geeri ka horoowe
Cimrigii da’ kula gaadhey waa guul darriyo ciile
Kuwii aniga iga gaabin jirey baa i gees maraye
Haddaanse amar Allaan laga gudbine gebi ahaan fiirsho
Garashiyo ku dayashaan dayaxa gees la leeyahaye
Isagoo geyiga nuurayuu guud maraa saxale
Ma gudhsado adduunyada ninkii godol ka maalaaye
Ninna keligii gaar uma ahee galabba waa meele
Waagii guduutaaba waa waayo gooniyahe
Hadba cirirku meeshuu galaa saxal u guuraaye
Geyiga Eeshiyada khalqigaa gees walbaba jooga
Geddigeed Afriikiyo Latiin gobol Amriikaan ah
Gun baynu u ahayn iyo addoon guud-caddaa Yurube
Gumeysiga dad badan baa mutiyo guul-darriyo hooge
Kolkay talo u soo guro-gashaye ferenjigii guurey
Niman baa guntadey qaarna way gebi dhacleeyeene
Ka gariiri Mow dunida gebi gaaliyo islaame
Sabca miya malyuun baa gurdama goorta uu kaco’e
Kuwii gadan jiruu Shiinihii haatan gaasiraye
Aqal guradu weyn tahay Jamaal diid inuu galo’e
Gasar lagu tilmaamiyo ma jiro daar u gooniya’e
Ma gam’o ee habeenkii taluu gawda ku hayaaye
Hadduu caawa go’o magacu waa midaan gaboobayne
Geddaasuu siciim leeyahoo libin ku gaadhaaye
Kuwii doorashada noo galaa gabay halkoodiiye
Khalqigi oo horuu guurayey dib u gucleeyeene
Googooye Soomaali oo gobolba meel aadye
Guryaha iyo ceelkaa dartood laysku gawracaye
Waa taa gamaaduhu bateen goobtii lays dhigaye
Gildhigaanka waxa loo sitaa goosankii hadhaye
Caawana kursi aad gaadhid baa guure loo yahaye
Gurdan baan maqlaayaa sidii guuto weerarahe
Gawaadhidu tolla’ay bay siddaa guuxu baxayaaye
Kuwii guurey baa daaqad kale nooga soo galaye
Gumeystaha jadiidaa aroos loo gelbinayaaye
Waraabii gol qabatada yiqiin geelu waw halise
Goodaadsey calankii dhulkuu gaadho baw hadhaye
Gobannimo xaqii ay lahayd geed fog lagu laalye
Goblanse maaha Maandeeq hadday gabadin mooddeene
Wax kalaa dulqaad laga gala laga geddoomaaye
Ma garwaaqsan karo qoom xornimo laga ganaaxaaye
Mar uun bay sidii aar la ganay gaydh la soo noqone
Hadday geed darfuhu dheer yihiin gooya baa xigiye
Xiddiggii gadaal-socod dhac iyo kii gardaadsadeye
Gabbal gaabtay iyo baan arkaa gaawe buuxsamaye
Gardarrada qun-yara xaal adduun gelinba waa cayne.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker