Ururka Jaamacadda Carabta Oo Cambaareeyey Duqeymaha Ay Yuhuudu (Israil) Ka Waddo Gaza

Madaxa Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit ayaa sheeegay in weerarrada cirka eeYuhuuda ( Israa’iil) ay ku qaaday Marinka Qaza ay yihiin mas’uuliyad darro iyo gumaad si barer ah loogu geystay dadka reer Falastiin.

Axmed Aboul Gheit  ayaa ku eedeeyay maamulka Isra’iil in ay mas’uul ka yihiin kororka halista bini’aadanimo ee ka jirta Qudus.isla markaana ay qaadi doonaan wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha weeraradaasi.

Madaxa Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit,wuxuu ugu baaqay bulshada caalamka inay si deg deg ah wax uga qabtaan rabshadaha iyo dhibaatooyinka kale ee Israa’iil ay ka waddo Marinka Qaza .

Hadaladan ayaa yimid ka dib markii ugu yaraan 24 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan sagaal caruur ah lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo ay fuliyeen Israaiil habeenimadii xalay ,iyagoo ku andacoonaya In Xamaas ay gantaalo ku garaacday dhulka Yahuudda.

In ka badan 700 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dhaawacay Qudus iyo guud ahaan Daanta Galbeed ee la haysto 24-kii saac ee la soo dhaafay. ,xilli dadka ay ku jiraan cibaadada bisha Ramadaan.

Weeraro cusub oo xagga cirka ah ayaa saaka mar kale dib uga bilowday Marnka Qasa,waxaana jira dhimasho,dhaawacyo iyo burbur hanti.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker