Xamaas oo qaadeysa weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah iyo Israel oo sheegtay inay hareereysay Qasa

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay gebi ahaanba hareereeyeen magaalada Qasa, iyadoo raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu sheegay in dagaalka meeshii ugu sareysay uu gaaray.

Militariga Israa’il ayaa waxay sheegeen, in dagaal dhulka ah ay kula jiraan dagaalyahannada Xamaas, oo soo qaadayay weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ka dhacaya godad dhulka hoostiisa mara.

Dhanka kale, waxaa weli socota daad gureynta dadka ajaaniibta ah oo la sii marsiinayo marinka rafax ee xuduudda dalka Masar.

Waxay ciidamada Israa’iil sheegeen, in dagaal fool ka fool ah ay la gali doonaan ururka Xamaas.

Dagaalkaas, waxaa Israa’iil ugu dhimatay ilaa afar askari oo hor leh, taas oo tirada guud ee ciidamada Israel ee lagu dilay Qasa ka dhigeysa 23.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker