DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAAYO AGAASIMAHA GUUD EE BAANKU AXMED CARWO, GEERIDA AMRAN CABDI ISMAACIIL

Anniga oo ka wakiil ah Guddoonka Baanka iyo shaqaale Weynaha ,Waxaan dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyska, tafiirta, ehel iyo asxaabta Marxuum AMRAN CABDI ISMAACIIL, Agaasimihii Qaybta Maamulka Shaqaalaha Baanka oo xalay xaqqu ugu yimid Hargeysa.
Amran waxay ka mid ahayd shaqaalaha muddada dheer Baanka ka hawl galay oo soo maray marxalado adag.
Waxay ahayd hooyo si wacan ubadkeeda u korisay oo ku guulaysatay inay waxbarasho heer sare ah gaadhaan.

Waxaan tacsida iyo tiiraanyadaย la wadaagayaa shaqaalaha Baanka, ubad, qoys,ehel iyo asxaab, Waxaan Alle uga baryayaa marxuumadda inuu qabriga u nuuro, u waasiciyo, ugana dhigo beer ka mid ah kuwa fardawsta sare, innagana ina waafajiyo samir iyo duco.
Iyada oo maamulka shaqaalahu eed badan yahay waxaan shaqaalaha iyo maamulka ka codsanayaa inaynu si niyad san dhammaan u saamaxno.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker