Rootiga cagaaran oo noqaday kan ugu wanaagsan Ingiriiska

Rooti cagaaran oo ay ku jiraan matcha, shukulaato cad iyo midho ayaa noqday rootiga ugu wanaagsan gudaha Britain.

Haweeney aad u jecel Rootiga, ayaa noocan Rootiga ah ee lagu magacaabo Brioche Japonais, ku dubatay magaalada Derbyshire.

Haweeneyda sameysay Roodhida ku guulaysatay abaal marinta ayaa waxa dhiiri galiyay hidaheeda Japan iyo waliba wakhtigeedii ay ku noolayd Faransiiska.

“Qeyb waa qadhaadhka matcha iyo macaanka shukulaatada iyo miraha cad, markaa dhadhanka dheelitiran oo aad u xiiso badan.” ayay tiri.

Waxay sheegtay inay “aad ugu faraxsan tahay” inay ku guulaysato abaal-marinta, Rootiga Brioche Japanois sababtoo ah waxay ka tarjumaysay dhaqankeeda Japan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker