Nabaddoon maan Axmed Cabdulle Qaloosh oo Caan ka ahaa Gayiga Somalidu degto Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Koox bastoolado ku hubeysan ayaa lagu waramayaa in duhurnimadii maanta ku dileen magaalada Muqdisho nabaddoon magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle Qaloosh.

Goobta oo uu dilka ka dhacay oo ah Xaafadda Suuq Bacaad ayaa dilka kaddib tagay ciidamao ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa Laanta Suuqa Bacaad, waxana la sheegay in ciidamada ay sameeyeen howlgal wallow aan dilkaasi weli dad loo qaban.

Magalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dillal loo geysto Askar, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo nabadoono caanka ah magaalada Muqdisho,iyada oo mas’uuliyada dilalkaas ay sheegtaan Al-Shabaab.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilkan, hasse ahaatee dowladda federaalka ayaa dilalka noocan ah ku eedeysa in ay geystaan xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker