Xukuumadda Madaxweyne Muuse Bixii Hadday Fulin Waydo Heshiiskii Khaatuumo Sow Ceeb Qaran Mahaa
Tabashada dhexdeeno
Tashi lagu daweeyiyo
Taageero Weheshada yaan laga
Tegin” Talo Wadaag
Anigoo ka mida ah aqoonyahanada qurbejoogta Somaliland fiiro dheer ku eega arrimaha bulshada, iyo hanaanka geedi socodka midnimada wadajirka dalkeena hooyo.
Isla markaasna ka tirsan masuuliyiinta Xisbiga Daryeelka & Caddalaada ee Ucid. Horta taageero buuxda iyo kalsooni ku siinayaa dowladeena Soo celinta iyo ilaalinta Hantida qaranka.
Waxa’se habboon inuu madaxweyne Muuse Bixii Cabdi lumin fursadii dedaalkii go’aankii Khaatuumo iyo Xukuumadii Madaxweyne Xaji Axmed Siilanyo Gudoomiye Mudane, Eng’ F. C. Waraabe iyo Hogaamiye Prof Cali Khallif Galaydh wada gaadheen.
Dhammaan reer Somaliland dibed iyo gude sii weyn niyo saami ah loo soo dhaweeyey.
Hubaal haddu Muj madaxweyne Muuse Bixii arrintaas Khaatuumo fulin waayo taasi waxay galafan, doonta hogaamintiisa loona arkii doona madaxweyne aan kasban karin midnimada Somaliland.
Madaxweyne waxaan ku rajaynayaa inshalaahu guul karti hanaanasho dadweynaheena daraf ila daraf hab dhaqameed iyo mid diblomaasi.
Caqliga iyo fikradahu bulshoweynteena ku dhex jiran aan masab iyo dan gaar ah doon ahayen. ”Haw Daymo La’aan ”
Cali C/laahi Ismaciil Dheeg
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid
Wales, UK.