Dawladda Qatar oo wacad ku martay in malaayiin dollar ay ku maal galin doonto Turkiga.
Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa waxaa uu sheegay in dowladiisa ay garab taagan tahay walaalaha turkiga ayna ku maal galin doonaan Bangiyada iyo suuqyada turkiga dhaqaale gaadhaaya $15bn oo dollarka mareykanka.
Hadalkan ka soo baxay amiirka qatar ayaa waxaa uu imaanayaa kadib kulan uu shalay kula qaatay magaalada Ankara ee dalka Turkiga madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.
Suuqyada turkiga ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa laga dareemay hoos u dhac dhaqaale oo la xidhiidha qiimaha dollarka oo hoos u dhacay iyo muran qilaaf dhanka ganacsiga ah oo soo kala dhex galay maamulka Trump.
Sheikh Tamim ayaa waxaa uu noqonayaa hogaamiyihii ugu horeeyay ee heer caalami ah oo booqada dalka Turkiga Tan iyo markii sii xoogeystay qilaafka kala dhaxeeya maamulka Washington todobaadkii la soo dhaafay.
Amiirka qatar ayaa warkiisa ku soo koobay in ay garab taagan yihiin walaalaha turkiga iyaga oo la eegayo danaha muslimiinta dhexdooda iyo mida dowlada Qatar.
Erdogan iyo Sheikh Tamim ayaa dhanka kale ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka u dhaxeeya labada dal.