Muwaadiniinta Mareykanka Oo Loogu Baaqay Inay ka Baxaan Bariga Dhaxe Kadib Markii Cabsi lasoo Daristay.
Waxaa meel xun gaadhay Xiisada u dhaxeysa Dowladaha Mareykanka iyo Iiraan kadib markii diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay Duqeyn ku dileen Sarkaaal sare oo katirsanaa ciidamada kacaanka Iiraan.
Muwaadiniinta Mareykanka u dhashay ee ku sugan dalka Ciraaq iyo dalal kale oo Carbeed ayaa waxaa lasoo daristay cabsi xoogan, waxaana laga cabsi qabaa in Iiraan ay Qaado Tallaabo Aargoosi Ah oo Aaan la Mahadain kana Bilawdo Muwaadiinta Maraykanka.
War qoraal ah oo kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad ayaa lagaga dalbaday muwaadiniinta Mareykanka inay si deg deg ah uga baxaan dalka Ciraaq sidoo kale ay sameeyaan feejignaan.
Madaxii hore ee Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in uusan arkin sabab ay Iiraan uga falcelin weydo dilkii loo gaystay Qaasim Sulaymaani, waxa uu sidoo kale sheegay in uu aaminsanyahay in muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Bariga Dhexe ay ku jiraan xaalad xun.
“Waxaan aaminsanahay in muwaadiniinta Maraykanka, milateri ama diblomaasiyiinba joogta bariga dhae ay hadda cabsi weyn dareemayaan.” ayuu yiri Madaxii hore ee Sirdoonka Mareykanka.
Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Wadamo kuyaala Bariga Dhaxe ayaa hada dareemaya cabsi xoogan, waxaana muwaadiniinta qaarkood la sheegay in ay boorsaooyinkooda xir xirteen si ay uga bad baadaan aargudasho Iiraan katimaad.