Dawladda Maraykanka oo Wadda Qorshe Wada Hadal.Lagula Furayo Ururka Alshabaab

Warbixin kasoo baxday Dalka Mareykanka ayaa shaaca lagaga qaaday in sii Hayaha xilka Wasiirka Difaaca dalka Mareykanka Karistofer Miller .

 

In Loo xilsaaray inuu bilaabo qorshaha Wadaxaajood lala furo Dagaal Yahanada  Al-shabaab ee xidhiidhka la leh Ururka Al-qaacida Taasoo ay dowladda Qatar noqoto mid dhex dhexaadintaasi Gogosheeda fidisa.

 

 

Jariidada New York Times ee kasoo baxda dalka Mareykanka ayaa daabacday Maqaalkaasi.

 

Kash Batel oo horey usoo noqday kuxigeenka Kaaliyaha Madaxweynaha Mareykanka ee Arrimaha la dagaalanka Argagexisada .

 

Ee Golaha amniga Qaranka ayaa soo dhoweeyay in Mareykanku uu hadda u jiheysto inuu wada xaajood la furo Al-shabab waxaana uu tilmaamay inay suurtagal noqon karto in dowladda Qatar ay soo dhoweyso.

 

Madaxweynaha xilka kasii degaya Donald Trump oo Magacabay Wasiirka Difaaca Miller kadib markii Mark Isber Wasiirki hore ee difaaca Mareykanka uu is casilay ayaa booqasho ku yimi Somalia waxaana uu la kulmay Askarta ka joogta Soomaliya.

 

 

Jariidada New York Times ayaa sheegtay in iyadoo ay jirto ka bixitaanka Ciidanka Mareykanka ee Somalia haddana wasiir miller inuu doonayo sii wadida wada hadal loo furo xukuumada Somalia iyo dhaqdhaqa Al-shabab .

 

Oo ay Qadar Gadhwadeen ka tahay, La taliyaha dhinaca amniga Qaranka mareykanka Robert Obrin ayaa la tilmaamay inuu ka warhaayay safarkii Miller uu ku tagay Doxa in arimahaas wada xaajoodkaasi quseeya lagala hadlay Mas’uuliyiinta Doxa.

 

 

Mr Miller ayaa Qubarada Gobolka ku tiriyaan inuu yahay qof aan sidaa uu lahayn khibrad diplomasiyadeed oo lagu xalin karo arimaha sidaasi u ah xasaasiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker