Madaxweyne: Go’aankaasaan Kaa Filayey

Sanadihii u danbeeyey waxaa gacanta dowlada ka baxay adeegyadii ay qaban jireen xafiisyada dowlada, iyada oo dhamaan ilihii dhaqaalaha loo gacan geliyey shaqsiyaad iyo shirkado gaar loo leeyahay, kuwaasoo ka helay faa’iido aad u badan iyada oo aan waxba loo soocelin ama lagu soo celin khasnada dowlada.

 

Madaxweynaha somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaa uu soo saaray wareegto ka wada farxisay shacabka somaliland oo dhan, summadeeduna ay ahayd: JSL/XW/WM/222-178/082018, taasoo gacanta dowlada lagu soo celiyey haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera, mashruuca ammaanka madaarka Igal International Airport, kaasoo loo yaqaano SRM, somaliland Risk Management iyo mashruucka parking Madaarka ee loo yaqaano EPASS.

 

Dhammaan mashraaciidaa ayaa ahaa kuwo ay xukuumaddii hore ku naas nuujisay shaqsiyaad iyo shirkado gaar, iyada oo ay caday in laga faa’iiday lacag aad u badan oo qarankan curdinka ah wax wayn u tari lahayd, sidoo kale aanay jirin habayaraatee cid la xisaabtami jirtey shirkadan iyo kuwo kale oo weli haysta hanti dowladeed.

 

Tusaale ahaan mashaariicda Madaarka Igal, ee la soo  wareejiyey ayaa qayb wayn ka qaadanaya dhismaha iyo horuumar ay samayso hay’ada duuslista iyo Madaarada somaliland, oo dhawaan la sameeyey, balse ay caqabad ku noqotay mashraaciida dadka gaar ka ahi ay maamulayeen kuwaasoo ka madax banaanaa hay’ada Duulista, ugana madax banaanaa maamul ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

 

Waxaa jirta lacag badan oo ka soo baxda labada mashruuc ee kala ahaa ammaanka madaarka iyo Parking Madaarka, lacagtaasoo ku dhici jirtey jeebka shaqsiyaad gaar ah, iyada oo aan dowlada iyo Hay’ada Duulista toona aan waxba uga soo noqon jirin.

 

Hadii aan tusaale u soo qaato shirkada SRM, waxay qofkasta oo dhoofaya ka qaadaa lacag dhan 26 doolar, taasoo bishii noqota boqolaal doolar, hay’ada Duulistu waxay ku leedahay 6 doolar oo keli ah, inta kale waxaa maamulaysey shirkada SRM, balse waqtigan hadii lacagtaas lagu soo celiyey gacanta dowlada waxay suura gelinaysaa in ay isku filaato hay’ada Duulistu oo aanay xukuumadda dhexe uga baahan wax kab ah iyo mushar shaqaale doona.

 

Shirkada kale EPASS, ayaa iyana gaadhi kasta oo madaarka gala ka qaada lacag dhan 2 doolar gaadhi kasta, shirkadaasoo ka hesha macaash badan iyada oo aan waxba ku darsan Madaarka, muddo dheerna haysatey qandaraaskan.

 

Dhamaan shirkadaasi waxba kuma soo kordhiyaan Madaarka, keli ah iyaga uun baa ka hela faa’iido xad-dhaaf ah, kuna maamusha dano u gaar ah, waana dakhli dowladeed oo muddo dheer aan cidi xisaabin, iyada oo loo samaystay wareegtoon xukuumaddii hore laga qortay.

 

Qandaraasyadan loo soo celiyey Madaarka Igal International Airport, waxay qayb wayn ka qaadanayaan dhismaha hay’ada, maamulka iyo in shaqaaluhu helaan mushar ku filan, sidoo kale ay hay’adu noqoto mid la jaan-qaada hay’adaha la mid ka ah ee wadamada bariga Afrika.

 

Soo celinta kaydka haamaha shiidaalka Berbera, ayaa iyana ah guul wayn oo qaranka u soo hoyatey, inaga oo wada og in ay ceeb tahay in haaamaha shiidaalka ee dowlada ay shaqsiyaad maamulaan kuna danaystaan, iyada oo wixii ay doonaa dhici karaan, aanay dowladnimadana ku jirin in shiidaalka kaydka u ah qaranka cid gaari ay maausho oo aanay gacanta dowlada ku jirin.

 

 

Gunaanad

 

Ugu danbayntii waxaan hambalyaynayaa madaxweynaha somaliland, go’aanka muhiim ka ah ee uu qaatay kuna soo celiyey maamulka haamaha kaydka Berbera, ammaanka Madaarka Igal, eek u soo wareejiyey mashruuca SRM iyo soo celinta Parking Madaarka, waxaa kale oo madaxweyne muhiim ah in aad soo wada celisid dhamaan mashraaciida dowlada ee shaqsiyaad iyo shirkada gaarka loo siiyey.

 

 

Cabdilaahi Axmed Caarshe, Hargeisa, somaliland

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker