HALA BADBAADIYO HAY’ADDA WADOOYINKA SOMALILAND

Sidaynu ognahay bishii labaad ee sanadkan 2018, waxa uu madaxweynaha SL uu maareeye cusub u magacaabay hay’adda wadooyinka Somaliland ee loo yaqaan RDA. Maareeyaha cusub waxa magaciisa la yidhaa Cismaan Aw Cabdi, waana nin ay taariikhdiisii hore ee madoobayd ay aad u yaqaanaan shacabka SL.

 

Hadaba sida aan ku helay warar xog ogaal ah oo ay ii sheegeen qaar ka mid ah shaqaalaha hay’addu, intii uu maareeyaha cusubi joogay hay’adda wuxuu ku kacay talaabooyin foolxun oo ka baxsan nidaamka iyo anshaxa shaqada dawlada, waxaana falalkaa ka mid ah:

1. Inuu kala-sooc iyo cadaalad daro ku sameeyey shaqaalihii hay’adda isla markaana uu si qaraabo kiil ah u samaystay koox yar oo shaqaalaha ka mid ah kuwaas oo uu si gaar ah ula tashado isla markaana ugu dirto shaqooyinka hay’adda.

2. Inuu kelidii isku koobay shaqadii iyo hawl maalmeedkii hay’adda isla markaana aanu haba yaraatee madaxda waaxyaha hay’adda la wadaagin shaqooyinka iyo hawl maalmeedka hay’adda. Isla markaana mararka qaarkood wuxuu shaqada iyo hawlmaalmeedka hay’adda u adeegsadaa dad shicib ah oo ka baxsan shaqaalaha hay’adda.

3. Inuu fulinta mashaariicda wadooyinka ee hay’adda uu si dadban ugu samaystay shirkad ka kooban koox yar oo shaqaalaha ka mid ah kuwaas oo mashaariicda iyagu gacantooda kusoo qiimaysta kuna fuliya qiimo aad u sareeya. Habkaasna waxa hay’adda kaga luma lacag badan oo u madhxi lahayd haddii shirkadaha badaxa banaan loogu bandhigi lahaa iyadoo la marinayo gudida qanadaraasyada qaranka.

4. Inuu si joogto ah lacag badan ugu bixiyo adeegsiga saxaafada kala duwan si uu ugu muujiyo shacabka iyo m/weynaha magacaabayba sawir been ah oo ah inuu yahay nin shaqo badan ka wada hay’adda.

5. Inuu marka shaqaaluhu rawaxo uu xafiiska la yimaado kuna fara xumeeyo dumar waaweyn oo uu saaxiib la yahay.

Sidaas daraadeed, waxa fiican in saxaafada madaxa-banaan ee Somaliland ka jirtaa ay arimahaa kor ku xusan ay baadhis gaar ah ku samayso isla markaana usoo bandhigto shacabka iyo m/weynahaba si talaabo ku haboon looga qaado.

 

 

Maxamed Nuur

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker