Axmed Yuusuf Dirir oo ah Hanti-lunsadaha Somaliland oo Muuse Shaanina u magacaabay, Hanti-Dhawraha guud waa Waraabe hilib ku raro.
Axmed Yuusuf oo Muuse Biixi u magacaabay Hanti-dhawraha Guud oo
lawa og yahay, kolkuu Marreyaha Dekeda ahaa inuu Hantidii ugu badnayd
uu siiyey Muuse Biixi si uu ugu ololeeyo xiligii Doorashada, taas oon cidna
ka qarsoonayn, oo aan cidi weydiin, Ta kale, Lacagtii dhawrka Milyan ahayee Khasnada gaara ku jirtey ee Cali Xoor-xoor fahaare ugu wareejiyey ee yidhi
waxaan u hayey in Taaga Maraakiibta lagu soo iibiyey, oo uu jeebkiisa ku
shubtey wuxuu soo iibiyeyna aanay jirin, Dekediina kaba baxdey acanta S/Land
oo imika DPW maamulatao, taana yaa weydiiyey oo la xisaabtemey.
Kolkaa Xukuumadihii Kulmiye ee Siilaanyo Xaraashe Daalinkii Wadanka wada
iibiyey & Muuse qaybtiisa qaadan jirey, isaguna Beeraha & Xoolaha uu Umada
ka dhacay ee Qori & Xoog ku haystaa cidaa ka badan yihiin.
Sidaas Darteed, ninkaa hanti-Lunsada ah ee Axmed Yuusuf dirir, siduu u noqon
karaa Hanti-Dhawre, Somaliland caqligooda & waxgaradkooda ayaa xukuumadaha Jeegaantu ku ciyaaraan, ooy ku andacoodaan cidina waxba naga
ama qaado, cidi nama xisaabin karto, waayo Siilaanyo & Xukuumadiisii maanta
Jeelasha ayey liinta ku cabiyi lahaayeen, ee dhul, Cir & badba intey xaraasheen
xaqul-qalin siisteen, weli Umada soo hor fadhiyaan, waa Daalinkii siilaanyo &
Islaantiisi Aamina Weris, kuwa uu Sodaga u ahaa oo Moorgan1 & 2, Muhnad
weji-Xun, cal Mareexaan, Samsam Xeerya xun, Sacad Cali shire & qaar kaloo
badan.
Kolkaa Gudidan Baarlamaanka ee Dabagalka Hantida, waxay u eg yihiin inay
Xukuumadu gacanta kula jirto, waayo Naasir Cali Shire wuxuu ku andacoodey
Hanti-dhawraha & xisaabiyaha ayaanu wada shaqaynaynaa, kolkaa hadey
Xukuumadii Gacan ku leedahay, waa Riwaayada Shacabka loo dhigayo cid baa
daba gal & baadhitaan lagu sameenayaa, Xukuumadii Siilaanyo.
kolkaa Gudidu hadii qawda maqashii aanay ka ahayn ha soo taagto Siilaanyo
Aabihii Musuqa Maxkamad & reerkiisa & Wasiiradiisii , hadii kale waa Gudi
ay Muuse dabada ka wado oo uu Fashilka Xukunkiisa haysta uu ku qarinayo
baadhitaan & daba tag ayuu samaynayaa.
Hawlaha Arlada hadii lagugu aamino Umada Shaqeeyiyo adeegaa lagaa dhigo
hays odhan cidi kumaa arkaysee afka buuxso, Naasir Cali 7 Gudidaa Umadu
wey idin eegaysaa, inaad Gudiyo Magac u yaala aad noqotaan, & Inaad Dad
badan Maxkamada soo taagtaan, oo u Horeeyo, Siilaanyo, Aamina Weris
Samsam, Maxamuud Xaashi, Cali Mareexaan, Sacad Cali Shire, & Moorgan &
qaar kaloo badan.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama
ashaa.j@live.nl