Sucuudiga ayaa dib u celiyay 27,000 oo Xoolo ah Horena Looga Dhoofiyay Magaalada Boosaaso .
Boosaaso-(OWN)-Dowladda Sucuudiga ayaa la sheegayaa inay dib u soo celisay xoolo badan oo markii hore laga dhoofiyay dakadda Magaalada Boosaaso.
Xoolahan oo ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah ayaan la ogeyn sababta rasmiga ah ee dowladda Sucuudigu dib ugu soo celisay Soomaaliya.
Waxaa la sheegay in markabka magaciisa la yidhaahdo Alafa Xoolaha uu sidayna ay gaadhayeen 27000 Neef kuwaas oo ka dhoofay Magaalada Boosaaso.
Sucuudiga ayaa horay xayiraada uga qaaday dhoofinta xoolaha nool ee Soomaalida, waana sababta keentay in ganacsato Soomaaliyeed ay ku dhiiradaan dhoofinta xoolaha.
Xoolahan ayaa ahaa kuwo looga faa’iidaysanayey xilliga xajka oo xoolo badan lagu gowraco muwsimka Xajka , lama garanayo sababta ka danbaysa soo celintan xoolaha .