MAANSO KUD KA GUUR OO QANJAW GUUR ( KU CELIS )
Maanso . kud ka guur oo qanjaw guur
Keene iyo kordhiye.
Keene.waaryaa kordhiye saaxiib muxuu M/WEYNE BIIXI
Uga jawaabi waa yay shirkadan bulshadii wareerisay.
Kordhiye . saaxiib waxa la yidhi shirkadu dushana waa ka
S/LAAN hoostana gaarbaa loo leeyay markaa waxa kaloo
La yidhi ODAYGU sheer buu ku leeyay si dadbanna waa kii
Uga jawaabay ee labada wasiir NACAS soo diray.
Immikana waa afartii
Maanso . kud ka guur oo qanjaw guur .
Kud ka guurnay waa taa qanjaha
Kuududee timiye
Yey iyo kaneecaa fadhida
Kadimadee diiye
Kornayl faashilaa ina qabsada
Oo kursiga yaale
Ku kaloon isaga dhaamin bay
Koodh ugeliyeene
Kibir aanay geyin yaa durbaba
Keenadaw sudhane
Sekanderiba qaar aan ka bixin
Yaa wasiir koraye.
‘
Kolba qolo la naaxinayabaa
Tuban kiyuugiiye
Shaarubuu kan ay qaawan yiin
Koron kan dheeraaday
Keligood inay dawlad yiin
Wada kalaamaaya
Kufsibaa ku dhacay qaran kanay
Kuman shahiideene
Haddii aan cid kale looba hayn
Oo karaar jebisa
Karbaash kii (ALLAA ) soo qabqaban
Oo kulayl marine
Kow kow ayaa loo xukumi oo wakhtigu
Kaalayuu odhan.
CU GUULEED LIIBAAN SNM1710@LIVECOM