“Xukuumadda Somaliland Waxay Qaaday Jidkii Halista Badnaa Ee Hogaamiyeyaal Iyo Dawladdo Hore Ku Jabeen”

Xoghayaha Caddaaladda Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Yoonis Ahmed Yoonis Ayaa Si Adag U Cambaareeyey Xadhiga Wariyeyaal Ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi Xabsiga Ugu taxaabtay.
Xoghaye Yoonis Axmed Yoonis, Wuxuu Yidhi Siddan “Xukuumadda Somaliland waxa ay qaaday jidkii halista badnaa ee hoggaamiyeyaal iyo Dawladdo hore ku jabeen ee ahaa xadhigga, Jidh dilka, Cago jugleynta, cabsi gelinta iyo ku tumashada xuquuqda Muwaadiniinta fikirkooda cabira iyo Weriyeyaasha gudanaya waajibaadkooda shaqo.
Tallaabooyinka ay muddooyinkii u dambeeyey ay qaadaysay Xukuumadda Muuse Biixi, waa mid walaac ku abuuraysa Bulshada Somaliland, Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Dalalka Somaliland ka taageera dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka, kuwaas oo dhammaantood la yaabay ficilada sii kordhaya ee dhaawacaya sumcaddii iyo magacii Jamhuuriyadda Somaliland ku lahayd Fagaarayaasha Caalamka, ee ay ku kasbatay ilaalinta xuquuqda Weriyeyaasha iyo Muwaadiniinta aragtidooda cabiray.
Xadhigii u dambeeyey ee Suxufiyiintii la isugu daray Xabsiga iyo jidh dilka ee weli saldhigyada ku xidhan, dadkii maalmo ka hor kagu xidhay fikiradahoodu iyo weliba tallaabooyin ka sii horreeyey waxa ay markhaati ka cad u ah in laga baydhay jidkii dimuqraadiyadda iyo xoriyatul qawlka oo la qaaday mid aan la garanayn dhamaadkiisa iyo godka uu ku ridi karo Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhaqannada ku cusub tacadiyadan ka dhanka ah Weriyeyaasha, waxa ka mid ah in qofkii oo gacanta ugu jiray Ciidanka in la garaaco oo la jidh dilom dhaawacyo loo geysto, sida Gabadh Suxufiyada ahayd ee Naciimo Cabdi Ahmed , oo Sideed ilkaheeda ka mid ah la dhaqaajiyey iyo Weriyeyaal kale oo iyaga oo nabaro qaba xidhan yihiin. Sida Weriye Axmed Shimaali oo dhaawac loo gaystay
Waxa kale oo la yaab ah in Weriyeyaashii la xidhay qaarkood meelo aan la garanayn lagu xidhay oo ay qaadatay in saacado la raadiyo halka lagu hayo, isla markaana ciidankii isku tuur tuureen in aanay garanayn meelaha ay ku xidhan yihiin.
Ugu dambeyntii haddii aanay Xukuumaddu jidka ka baydhin, isla markaana aanay joojin xadhigga Suxufiyiinta, jidh dilka lagu hayo iyo weliba dadka aragtidooda cabiraya ee Distuurku u damaanad qaaday waa mid Somaliland u horseedi doonta in ay dhaawacnto sumacaddeedii iyo hannaankii dimuqraadiyaddeed ee ay adduunka ka iibinaysay”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker