Collaada Beer-doox ee Degmada Ceelafwayn ee Gobolka Sanaag iyo Sheeko murugo Badan.

Alaah ayaa mahad iska leh, sharafi waxay korkiisa ahaatay nabi muxamed(scw)
rabi ha inagu hanuuniyo xaqa iyo wanaag ,oo raxmadiisa iyo
naxariistiisa ha inoogo naxriisto-

sheekadan murugada badani waxay ku bilaabmi oohin iyo ilmo qoyn doonta
warqadan aad akhrisan doonto , ninka dhacadadan inooga sheekayn doona
waa Warfaa oo Dad ehelkiisa kamid ah ku dilay Collaada BEER-DOOX ee
Degmada Ceelafwayn wuxuu ku bilaabaya sheekada sidan ee ka bogo,

Waxaan ahaa will dhalinyaro ah ,ku barbaaray dhul nabadi ka jirto,
waligay cabsi ima galin . baradaydu waa degaanka ceel-fwayn waxan Ku
barbaray deegamada jiida ilaa dararwayne iyo dogoble, qoyskaygu waa
reer guura. inkasto anaan xoolo fiican lahayn, waxaan ahay wiilka
labaad ee ay aabo Diiriye iyo hoyo Dhudi ay dhaleen. Waxa iga wayn
qoyska walaalkay Daakir aniguna waxan ahay Warfaa ,waxaa iga sii yar
3″ caruuur ah” labo gabdhood iyo wiil.

Malintaan 9-jir noqday abtigay Warsame oo geelal badan, ciidan yarina
hayso ayaa qoyska ka codsaday in wiilasha uu abtiga u yahay mid lagu
daro oo uu korsado , geellana la raaca wiilkiisa Muuse warsame , abti
laygu dar ,waxaanan dabo-dhoon u ahaa geella abtigay warsame ,halkaas
ayaan Ku barbaaray oo nin reer abtigii la koray ayaan noqday, waxaan
dadka dheraa koolkoolinta abtiyaday iyo wixii aan codsado oo degdeg
laygu siin jiray, abtigay warsame wuxuu iga jeclaa caruurtiisa waayo ,
,”markasta oo uu bandarka ceelafwayn tago wuxuu ii keeni jirey
dhar,buskul,timir iyo waxyaale kale oo aanu caruurtiisa siin jirin”
,sidii abtigay ii jeclaa , maalin ayaa anigoo geella la jooga. Waxaan
geel kob agtayda ah daaqayey hal kamida ah aan ka xaday koor
,dabadeedna ninkii geela la joogay ayaa intuu i eryaday isoo qabtay oo
bahal dhengad” ah cad iyo cad igu jaray ,aniga oo ooyaya” ayaan abti
gurigii ugu tagay oo u sheegay in ninka geela lihi isoo dilay,abti
intuu xanaaqay oo madoobaday oo hadana casaaday ayuu u dhaqaaqay
halkii ninku iga xigay, abti oo xanaaqsan iyo ninkii ayaa is
af-dhaafay abti bahal toorey,” ah oo docda ugu jirtay ayuu shan
caloosha kaga dhuftay ninkii, dhawacii ninka waa lala cararay oo
gaadhi wado maryay ayaa lagu qaaday oo ceerigabo ayaa lageeyay “mar
waxa lalahaa ,wuu dhintay marna waa noolyahay,” abti warsame gaadhi
boolis ah ayaa ceelfwayn casarkii u qaaday oo xidhay, jacaylka abti ii
qabo dhagar bani’aadam ayuu u galay, markii dambe ninkii ilaahay wuu u
gargaaray ,abtiyo jeelkii waa laga sii dayay, ninkiina waxa loo xaqay
50-geella ah, markii abti lagu yidhi maxaad ninka u dishay wuxuu yidhi
haduu wiilkayga dili lahaa ma dileen lkn wiilka an abtiga u ahay
naftayda waan ka jeclahay “allow sahal amuuraha, ma ogtahay inan
abtigayga sidaas ii jecel aan maalin uun 7-xabo oo rasaas ah caloosha
iyo madaxa kala dhici doono , oo aan ifka dhaafin doono, hada oo aan
kula hadlaayo waxaa laabtayda qoysay ilmo ka timi indhahayga, aan
kusii socono sheekada intaanan warqada aad akhriyayso ilinta
indhahaygu qoyn.

-Markii aan da’da 15-jirsaday .waxan isku tuhmay raganimo , haa waa
run maanta waxaan ahay nin wado iska mariyay geell-jire iyo adhi-jire
,sidii aan doono ayan u kibraa cidii an ka xoogronaado xuurto ku
qabtaa ,waa anigan geesinimo is biday oo is xiniinyo taabatay , haa
iminka nin raga ayan ahay waxaan u bahanahay inan helo wixii aan ku
hamiyi jiray ,si raganimadaydu u dhamaystiranto , kasi waa qori
,abtiyo warsame ayaan u sheegay inaan rabo qori ,nasiib wanaag abti
wuu ii balan-qaday qorigii.7-caano maal kadib waxaa la ii keenay bahal
abu-qardaasa ah oo candho-laab ah ,qasnadana 30-xabo oo 15-ifiso tahay
ayaa gacanta la iga saaray ,iminka Ku xidhmay dhalinyarada facayga ah,
ee aanu isku beesha nahay waxaan tagi jiray geedka tolku isku warsado
,inkasto aan reer abtigay isoo koriyay hadana beesha aan ka dhashay
iyo beesha reer abtigay buur iyo banaan way wada dagaan oo way is wada
dhaleen waa sababta loogu naanayso habarlamaan”, intii aan Ku xidhmay
reer tolkay waxuun baan ka shekeeya tariikhda reerkayga iyo fร an jogto
ah, iminka waxaan noqday nin cuqdad iyo naxli ka buuxo qalbigiisa,
waxaana xafiiltan qabyaladeed naga dhexeeya dhalinyaro qabiilka reer
abtiyaashay ah.
Gu’gii dhawayd ayan noqday nin isku filan oo wa anigii guursaday ee la
degay aabo iyo hooyo , nin beeshayada ah waxaa dilay nin ka dhashay
beesha reer abtigay ,waxaan ahaa ragii ugu horeeyay ee qoryaha
safaystay ,waxaan dhexda u xidhay sidii aan dhalinyarada reerka ugu
guubaabin lahaa in la aarsado” waxaan isku qoofalay qorigayga , maalmo
kadib waxaa oosha dhexdeeda ka qarxay dagaal lagu hoobtay ee ee
Beer-doox,anigu waxaan ahaa ragii weerarka qaday ee dhowr nin Ku dilay
duulanka, weerarka kadib waxaan is biday geesinimo oo waxaan ifka
dhafiyay rag fiicanan u dhashay oo beesha kale ka dhashay. Maalinta
wixii ka danbeeyay dhufayska ayaan Ku jirey oo waxan rabay in aniga
iyo nimanka colkayaga ah in midkood dhulka u hadho.
“Wa anigan oo maskaxda i Yar xanuuntay, oo caloosha ayaa i xanuunaysa
oo hogaagee” maanta ma waxad noqotay gacan Ku dhiigle, imisa ayaad
maqshay shiikh dadka Ku leh, qofkii qof dilaa wa ehlu-naar
subxanalaha.waar yeelkadeed ee hadaa ma ceebta tolka wax loo dulqaato
ah, waar tolkay halkuu maro ayaan mari” soowtii somalidu odhan jirtey
; fiqi tolkii kama jano tago;
Anigoo isku mashquulsan oo dhulka xarxariiqaya aya nin tolka ahi ii
dhawaqay oo war naxdin leh ii shegay ,ma ogtahay in ducaale iyo jamac
dheere la dilay ala naxdin waynaa waa labo dhalinyaro ah oo beesha
qiimo Ku leh, ooshii waa oogsatay oo dilka labada nin ayaa aad looga
murugoday, waxay ahayeen rag u dhashay geesinimo.deeq.codkarnimo iyo
khayaarnimo waa sababta aanu beel ahaan dagaalka talo ugu galnay si
aan u aarsano.
-Beeshii waa isku yaacday nin wliba qorigisii isku soo gaadh, waxa la
isugu yimi geedkii beeshu Ku tashan jirtay . nin waliba talo lagu
duulo Ku waran anigoo oo warfaa diiriye ah ayaa kacay , waxaan soo
jeediyay inan caawa gaade samayno oo duulanka qaadno , runtii arinkaa
waa loo guuxay waana la isku raacay . habeenkii ayaan dulaan qaadnay
anagoo 30-nin ah anago sanqadh tirasho ah ayan kusoo baxnay geell-jire
kobtii “karamaan” geell Ku haya ,waxaan soo jeediyay in labo qaybood
la isu qaybiyo . nin waliba qorigiisa cabaysay oo xabad dhuunta u dhig
xeradii geela ayaan hareeraynay ,waxan ugu tagnay golihii labo nin oo
an isku geeljire ahayn . saxiibo aanu colaada horteed ahayn , intaan
qori ay haysteen ka qaadnay , oo dharkii ka bixinay ayaanu labad
indhood ka xidhnay oo intaanu isku xidhnay aniga iyo nin kale 15-xabo
Ku jarjarnay oo dib ooshii ugu noqonay. labada wiil ee aan dilay abti
ayaa loo yahay oo gabadh aanu inadeer dhow nahay ayaa dhashay,
colaada kahor saxiibo is jecel ayanu ahayn oo jid jidiin iyo jaall
isku ah , caruurnimadina aanu so wada barbaarnay. Subaxnimadii xigtay
weerar ayaa nalagusoo qaday waxa malinta dhintay inadeerkay iyo niman
kale oo tolka ah aadna waan uga murugooday oo waan ooyay geerida Ku
timi inaderkay cige. Weerar aan hogaaminayo ayaan casarkii qaadnay
colkii kale ayaan is helay dagaal adag aya na dhexmarey oo soodhka la
isula galay . waxan arkay nin dhufays Ku jira oo rag badan naga dilay
,xagiisa ayaan u jeestay oo rasaas badan Ku shiishay dhowr xabo ayaan
la helay. Markii qofkii mayd noqday ayaan dul tagay ,ala naxdin waynaa
. “waan gariiray oo qaboobay , oo jidhidhico i roortay . markaas ayaan
ooyay” , show ninka aan dilay waa habar-wadaagay ay habaryartay asli
dhashay oo hoyo Ku dhalasho xigtay show ninku waa walalkay ciise yare
oo aan reernimo u dilay anigoo ilmadu labtayda qoysay ayaa meeshii la
iga jiiday ,3-maalmood ayaan hiqdaa hayay subxaana lahaa

Ragii arkay in aan wiilka habaryartay dhashay dilay ayaan dhaarsady si
anay u sheegin inan dilay walalkay, meeshii ayaan kasoo luuday anigoo
oohin qalbi jabay. Markii aan guriga kusoo socday waxan maqlay
baroorta hooyo ,ayeeyo iyo walaalahay , markaan ardaagii soo
fadhiistay ayaan aniguna qalbi jabay oo oohin ilmo tiftaa i gurtay ,
dabadeed waxa qalbigayga kusoo dhacday sida ay u murugoon doonto
habaryartay asli iyo caruurteeda ,marna waxaa ii sawiran walalkay
ciise.

xusuus-
-Maalintii aniga iyo ciise yare isugu kaayo danbaysay collaada ka hor
waxaan isku aragnay ceelafwayn isagoo awr soo iibiyay , markii uu i
arkay ayuu igusoo orday oo laabta i galiyay ayuu yidhi; Ala waa
walalkay warfaa iyo wa walalkay ciise , dabadeed intuu isoo kaxeeyay
waakii hudheelkii i geeyay ee hilbka ii qaaday markii aan dhargayna
intaanu qaad qaadnay wa anagii Ku barjaynay maqaaxidii “iskufilan”
markii danbe waa kii intuu kacay 300 oo land ah isiiyay ee hooyo iyo
ayeeyo timirta iyo sharaabka iigu dhiibay ilaa Ramadan waxba kama
hadhine. Habarwadagay ciise aad ayuu ii jeclaa aniguna waan jeclaa oo
walaalnimada saxaabtinimo ayaa noo dheerayd lkn nasiib xumo walalkay
gacantayda ayaan Ku dilay anigu ugu aaraya nin anan aqoon oo magac
qabiil naga dhexeeyo qalbiga iyo jidhka ayaa I dubaaxinaya warqadan
aad akhriyayso waxa qoysay ilmo , garbkaygii ayan dilay walalkay ayaan
gawracay hadh iyo habeen oohin ayaan Ku jiraa Ciise wuxu ahaa nin
ilaahay raganimo u dhaliyey ,wuxu ahaa deeqsi.geesi.codkar garta
niqi-yaqaan wuxuu ahaa akhyaar aad ii ii jecel .

Maalin kale ayaa weerar lagu dilay adeerkay cigaal , anaguna waa
anagii weerar qaadanay galinkii danbe goor casar liqii ah ayaan
collkii is helnay dagaal kulul ayaa na dhexmaray oo rag badan nalagaga
dilay lkn nasiib waa anagii colka jabinay ,markii aanu maydkii colka
soo gadhnay waan argagaxay maskaxda iyo jidhka i dubaaxiyay markii aan
arkay maydka abtigay warsam,:! waan qayliyay oo qorigii tuuray anigoo
leh abti abti ayaan maydkiisa isku duubay anigoo oohin qalbi jabay
dabadeedna (koomo) ayaan galay oo meeshii rag ayaa iga qaaday oo isoo
xanbaaray waxan miirsaday iyadoo biyo laygu rusheeyay ,anigo luudaya
ayaan xaga guriga u kacay oo baroortu is qabsatay ,guriga waxan tagay
hooyo oo koomo Ku jirta iyo ayeeyday oo 80jir ah oo ilinta indhoheeda
ka timi wajigeeda qoysay . markaas ayaan intaan qorigii tuuray aan
oohin qabsaday oo 6-caano maal aan hiqdaa hayay abti warsme wuu isoo
korsaday sidii uu ii jeclaa wa anigii qaybta hore ee sheekada kugu
sheegay maantana rag aan Ku jiro ayaa caloosha iyo maskaxda xabad Kala
dhacay fadlan hadii aan sheekada sii wado waxan cabsi ka qabaa inaan
koomo galo oo sidii aan walalkay ciise yare iyo abti warsame u dilay
caado ayay ii noqotay ,habeenkii labadooda ayaan Ku riyodaa oo waan
sasaa” hooyo sidii walalkeed u dhintay waxay qaaday “dhiigkar” oo
marwalba jihada ayaa loo dhiga .sidaas ayuu noo sameeyay dagaalka
beer-doox oo nin waliba abtigii iyo habarwadagii u dilay. Nin waliba
murugo ayaa u dhan oo waa nin duulay oo abtigii dilay gurigoodiina
looga barooranayo . ma rabo in aan Ku wado murugadayda iyo wixii
naftayda ilaa iyo maanta ay isu badashay

sidii aan u dilay abtigay iyo walalkay waxaan noqday maqane jooga oo
waxaan ka baqayaa dadkii aanu cid isagu xidhnayn.dhamaad.

waxaan u mahad-naqayaa walaal kasta iyo qof kasta oo akhriyay
warqadan. iyadoo u jeedadaydu tahay in aan dareenkayga ku cabiro sida
ay coladaasi u samaynayso guri iyo goob kasta ilahay waxan ka
baryaynaa inuu nabada ka yeelo dadka iyo deeganka is beer dooxay.
akriste waxan ka raali-galinyaa khalad kasta oo iga dhacay intaan
qoraalka ku jirey,ilaahayna waxan ka baryayaa danbi dhaaf iyo
naxariis.

sheekadani ma ah,mid dhab ah lkn waa sheeko faneed u hal-abuuray
Mustafe Axmed Maxamed Geedi (Geedi Yare) guud ahaan sheekadu waa malo
awaalo lkn waxa xaqiiqo in nin kastaa abtigii,sodogii iyo seedigii uu
ku gawracay dagaalka. sidaas darteed waxa sheekadan maskaxdiisa ka
qoray qoraaga ku saxeexan,———–

la wadaag asxaabtada-

alaah mahad iska leh

Qore. Mustafe Axmed Maxamed Geedi( Geedi Yare)
Hal-Abuur sheeko

mustafea179@gmail.com

contact-063-4385398- 0659555532

burco

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker