Maraykanka Oo Xuutiyiinta Dalka Yemen Ku Daray Liiska ‘Argagixiso’

Maraykanku wuxuu kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen u aqoonsaday in ay yihiin argagixiso.

Xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Maraykanka, mike Pompeo, ayaa ku dhawaaqay go’aanka dawladda Maraykanka.

Waa tallaabo ay walaac ballaadhan ka muujiyeen kooxaha gargaarka oo la tacaalaya xaaladaha qalafsan ee ka jira Yemen. Yemen waxa ka jirta xaaladda bini aadamnimo ee adag dunida.

Go’aanka dawladda Maraykanka ayaa sidoo kale imanaya 10 maalmood ka hor inta aanu Trump wareejin talada.

Xuutiyintu waxay imika maamulaan badi dalka Yemen, waxa hore uu Maraykanku ugusoo rogay cunaqabatayn, balse liiska cusub ee lagu daray ee argagixisada ayaa ka xidhaya dhaqaale badan, iyadoo keenaysa in aanay jiri doonin cid xidhiidh la samaysa Xuutiyiinta.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker