10-ka Cabsiyood ee ay ka siman yihiin Aadanaha Dunida ku nooli

Dhamaanteenba waxaynu leenahay waxyaabo aynu ka baqano anbaba aynu ka cabsoono, waa laga yaaba in lagu kala duwanaan karo se laakin daraasado la sameeyey ayaa lagu oogaaday in aadamuhu dhamaantood ay ka siman yihiin toban Cabsiyood oo waaweyn, daraasadan ayaa waxa sameeyey khubaro ku xeel dheer Cilmi nafsiga

1: Cabsida Caarada: Cabsida Caarada ayaa ah mid ay dadyowga dunida ku nooli ay ka wada cabsoodaan siiba ahaan waxaa loo baadiyaa cabsidan inay ku badan tahay dhanka dumarka meel kasta oo ay dunida ka joogaanba.

2: Cabsida Abeesooyinka: Cabsida Abeesooyinka ayaa iyaduna ah cabsi ay ka siman yihiin dadyowga ku nool dunida, madama abeesadu tahay xayaawan aad u khatar badan oo adanahana ku keeni karta geeri degdega, cabsidan ayaa loo diwaan galiyay inay ku jirto tobanka cabsiyood ee adaanaha dunida ku nooli ka siman yihiin.

3:Cabsida Meelaha dhaadheer: cabsida meelaha dhaadheer sida buuraha, Daaraha dhaadheer ayaa iyaguna ku jira tobanka cabsiyood ee aadanuhu ka baqaan anba ka cabsoodan.

4:Cabsida xaaladaha: cabsidan ayaa ah mid ku saleysan is badal xaaladeed, taas oo dadyoowga dunida ku nooli ay ka baqaan is badalada dhacaya inay samayn xoogan ku yeeshan jiritaankooda nololeed.

5: Cabsida Eyga: Eyga ayaa ah xayaawan dab joog ah kaas dadka kula nool magaalooyinka, waloow uu mararka qaar uu noqon karo duur galeen hadana cabsida Eyga ayaa loo diwaan galiyay inay ka mid tahay cabsiyaha aadanuhu ka siman yahay waloow loo badinayo inay cabsidaasi ay ku badan tahay caruurta yar yar ee wakhtiga korniinka ku jirta.

6: Cabsida Onkodka iyo Hilaaca: cabsidan ayaa ay badanka dadku la kulmaan wakhtiyada lagu guda jiro xili roobadyada, waxaana loo aqoon saday Onkodka iyo Hilaaca cabsi ay ka siman yihiin aadanuhu oo ay ka cabsoodaan wakhtiyada roobabka.

7:Cabsida Irbadaha Caafimaadka: Cabsida irbadaha caafimadka ee dadka lagu mudo ayaa ah iyaduna cabsi laga wada siman yahay, taas oo dadka dunida ku nool badhkood ay ka cabsoodaan in lagu mudo irbadaasi caafimaad.

8: Cabsida xaaladaha Bulsheed: Cabsida xaaladaha bulsheed ayaa iyaduna ah cabsi ay la kulmaan dadyowga dunida ku nooli taas oo loo aanaynayo isbadelada bulsheed iyo dhacdooyinka sido kale taxanaha ah ee dadyowga dunida ku nooli ay la kulmaan.

9: Cabsida ku duulista hawada sare : cabsidan ayaa ah cabsi ay la kulmaan dadyowga dunida ku nooli markay ku socdaalayaan gadiidka hawada mara ee diyaaradaha, cabsidan ayaa ah iyaduna cabsi ay dadyoowgu ka siman yihiin anbaba ay ka wada cabsoodan.

10:Cabsida jeermiska iyo wasakhda: cabsidan ayaa ah mid ay dadku ka cabsoonayaan jeermiska iyo wasakhada taas oo iska ilaaliya inay soo gadhaan jidhkooda iyagoo uga cabsoonaya inay ka qaadan xanuuno.

Guuleed Cabdiraxmaan
Guuleedsuldaan407@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker