Daawo:- Yaa Ku Guulaystay Barnaamijkii Wasiirada Somaliland Loogu Kala Codaynayay Ee Qarankaab?
Hargaysa:- (OWN) Magalaalada Hargaysa Waxaa Lagu Qabtay Gunaanadka Barnaamij Loogu Magacdaray Qarankaab Oo Ay Soo Qabanqaabiyeen dhalinyaro Reer Somaliland ah Barnaamijkan oo ahaa Mid Loogu kala Codaynayay Waxqabadka Golaha Wasiirada Somaliland Hasayeeshee Waxa aan iyagu habayaraatee kasoo Xaadirin Qaar Kamida Wasiiradii Loo Kala Codeeyay, Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland oo ahaa wasiirka kaliya Ee Kasoo Xaadiray Munaasibada ayaa Raali Galin Ka Bixiyay Hadal Hore Ugasoo Yeedhay Wasiirka Warfaafinta Oo Sheegay In UU Sharcidarro Yahay Barnaamijka Qarankaab Lana Joojiyay, Arintan ayaa Muujinaysa ku kala aragti duwanaanta Xukuumadda Ee Barnaamijka Qarn-kaab. Halkan Ka Daawo Muuqaalka Warkan