Qarax Gaadhi loo adeegsaday oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Ilaa saddex ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhaawacmeen qarax gaadhi lagu soo xidhay oo goor dhaw oo maanta ah ka dhacay Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in saddexda ruux ee dhaawacu soo gaadhay Labo ka mid ah ahaayeen dadkii wadada marayay, halka qof kalena uu saarnaa gaadhiga qarxay.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin ruuxa watay gaadhiga qaraxa lagu xidhay waxa uu qaban jiray iyo cidda uu ka tirsanaa.

Qaraxa kadib goobta waxaa gaadhay ciidamada Miini baadhista iyo ciidamo kale oo hubeysan, kuwaasi oo dhaawac ahaan goobta uga qaaday ruuxi gii gaadhiga watay iyaga oo halkaasi ka sameeyay baadhitaanada la xidhiidha Qaraxa.

Ma’aha wax ku cusub magaalada Muqdisho qaraxyada noocan oo kale ah ee lagu soo xidho gadiidka, horay waxaa qaraxyadan ugu geeriyooday xubno ka tirsan dowladda iyo dad kale oo siweyn bulshda uga dhax muuqday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker