XOGTA: Xiisada Turkey-ga iyo Syria | Khuraafaadka la heshiinta Bashaar Al-Asad

Kadib hadallo uu dhawaan sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu, oo ku saabsanaa in dib u heshiisiin laga dhex sameeyo Ankara iyo Dimishiq, taasoo keentay in mawduucan si wayn looga hadlo loona falanqeeyo, iyadoo aan la filayn horumar diblumaasiyadeed iyo is fahan hore looga gaadhi karo arrintan.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa todobaadkii hore sheegay in Turkigu aanu hiigsanayn isbedel dhanka maamulka ah, balse uu diiradda saarayo la dagaalanka argagixisada Suuriya. Cavusoglu ayaa tan iyo markaas sheegay in Ankara ay diyaar u tahay inay la hadasho Dimishiq, iyadoon wax shuruud ah lagu xidhin.
Odhaahyadani waxay u adeegaan laba ujeedo oo waaweyn: in laga jawaabo cadaadiska Ruushka, iyo in la wajaho tixgelinta siyaasadeed ee gudaha. Mucaaradka Turkiga ayaa ku doodaya in dib u heshiisiinta lala sameeynayo nidaamka Bashaar Al-Asad, ay fududeyn doonto dib u celinta qaxootiga Suuriya, madax adayga dowladda Turkiguna ay tahay caqabadda kaliya ee hortaagan. Codbixiyayaasha Turkiga ayaa u muuqda inay iibsanayaan dooddan.
Kuwa ku sugan Ankara ee taageersan fikradda ah in lala heshiiyo maamulka Asad, waxay aaminsanyihiin inay fududeyn doonto soo celinta qaxootiga Suuriya, iyo gargaarka dagaalka lagula jiro kooxda Kurdiyiinta ee ( YPG ). Waxay ku rajo weyn yihiin in Ruushku si dhab ah u taageeri doono isku soo dhawaanshaha, maadaama Moscow ay diiradda saarayso Ukraine oo ay doonayso inay ka fogaato inay ku dhex milmaan Suuriya.
Laakiin arrintii (Xasuusin) ugu horeysay ee xaqiiqada ka jirta dalka Suuriya waxay ka timid wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas Faysal Mekdad, kaas oo todobaadkan ku eedeeyay Turkiga inuu taageero argagixisada, wuxuuna dalbaday in ciidamada Turkigu ay si buuxda uga baxaan Suuriya, lana joojiyo kaalmada ay siiyaan mucaaradka Suuriya.
dadka sida dhaw ula socda xaalada dagaalka Suuriya, waxay sheegeen in ay hadalladani ahaayeen kuwo la saadaalin karo. Sababtoo ah Xukuumadda Assad ayaa hore ugu eedaysay Turkiga “mid ka mid ah maalgeliyayaasha argagixisada” sababo la xidhiidha taageerada uu siiyo mucaaradka Suuriya.
Rajada ay filayaan shacabka Turkiga iyo dadka u dooda dib u heshiisiinta Ankara iyo Dimishiq, waxay u baahan yihiin inay xaqiiqada wajahaan. Runtii, rajada laga qabo dib u heshiisiinta Ankara iyo Dimishiq waa mid aad u hoosaysa.
Marka ay timaado soo noqoshada qaxootiga Suuriya, waxa xiiso gaar ah leh in dadka u doodaya dib u heshiisiintu u muuqdaan, in ay iska indho tirayaan waayo-aragnimada Lubnaan iyo Urdun, kuwaas oo labaduba hore u hagaajiyey xidhiidhkooda Dimishiq. Hase yeeshee, ilaa 2019, kaliya ku dhawaad 40,000 oo Suuriyaan ah ayaa ka soo laabtay Lubnaan kuna soo noqday Suuriya, halka kumanaan kale oo qaxooti ahina ay galeen Jordan.
Dowladda Urdun ayaa hadda wajaheysa dhibaato dhanka daroogada ah, iyadoo xukuumadda Asad ay noqotay mid soo saarta daroogada u badan. Urdun ayaa inta badan marin u ah suuqa ugu weyn ee daroogada: wadamada Khaliijka, gaar ahaan Sucuudiga.
Marka la eego gudaha Turkiga, Fursadaha dib ugu noqoshada Suuriya oo uu ka jiro nidaabka ASAD, waxay u muuqdaan kuwo aan suurtagal ahayn, iyada oo ay socdaan iska horimaadyo ciidan oo joogto ah oo ka dhacay meel u dhow xadka Turkiga. gobollada u dhow Lubnaan iyo Urdun ayaa si buuxda u hoos taga taliska Asad.
Intaa waxaa dheer, in badan oo ka mid ah qaxootiga Suuriya ee ku sugan Turkiga ma rabaan, inay ku hoos noolaadaan nidaamka Assad ee Suuriya, iyagoo u baqaya mustaqbalkooda haddii ay soo noqdaan. Haddii si xoog ah dib loogu celiyo waxaa laga yaabaa inay tijaabiyaan nasiibkooda una cararaan dhinaca wadamada Yurub.
Nidaamka Asad laftiisu, kuwan Suuriyaanka ah ma soo dhawaynayo soo laabashadooda; waxaanu u arkaa in ay wada shaqayn la leeyihiin macaaridka iyo argagixisa, ciidamadiisuna waxa ay u geysteen dadka soo laabtay xadhig iyo qaarkood oo la waayo meel la geeye, waxaa intaa usii dheer jidh dil iyo dhibaatooyin ay ku jiraan tacaddi galmo.
Sidoo kale nidaamka Basharal-Assad ma aqbali karo malaayiin Suuriyaan ah, isagoo og in joogitaankooda dalku ay horseedi karto kacdoon kale. Hadaba isaga og dhibaatooyinka uu kala kulmi karo malaayinka qoxoonti laga soo celiyo Turkeyga, Waa maxay sababta taliska Asad uu u qaadan karo khatartan?
Waa su’aasha hortaala in Ankara ay wali danaynayso heshiiska Dimishiq.
Hadana aan eegno halista kale ee jirta
Waxaa sidoo kale la arki doonaa sida ay ku danbeyn doonto xaalada dadka wali ku nool gudaha dalka Suuriya, ee ku sugan goobaha ay mucaaradku maamulaan oo ay ku jiraan, dad ka soo barakacay dalka oo diiday in ay ku hoos noolaadaan nidaamka Bashaar Al-Asad,
waxaana lagu qaaday basas cagaaran oo ku wajahan dhanka xadka Turkiga. Iyadoo xukuumadda Assad ay doonayso in Turkigu uu ka baxo Suuriya, dhinaca kale dib-u-heshiisiinta Dimishiq iyo Ankara waxay keenaysaa fursad ay malaayiin kale oo Suuriyaan ahi ugu qaxayaan Turkiga.
Rajada laga qabo iskaashiga suurtagalka ah ee dagaalka Turkiga ee ka dhanka ah kurdiyiin YPG, ayaa sidoo kale khilaafsan xaqiiqada ka jirta Suuriya. Nidaamka Bashaar Al-Asad ayaa sannadkii 2019-kii heshiis la saxeexday kooxda YPG, kaasi oo dhigaya in Turkiga iyo ciidamada xulafada ah laga ilaaliyo goobaha ay YPG gacanta ku hayso. Wixii markaas ka dambeeyay, talisku waxa uu ku daabulayay ciidamadiisa oo garab ka helaya militariga Ruushka, Gobolada ku yaala xuduuda ay la wadaagaan dalka Turkeyga.
Iyadoo dhawaan Turkiga uu ku hanjabay hawlgal kale oo militari oo uu ka fulin doono Suuriya, kooxda YPG waxay wacad ku martay inay la kaashan doonto nidaamka Bashaar Al-Asad, si ay aaggaasi uga difaacdo Turkeyga. Horaantii bishan, ciidamada cirka ee Turkigu waxay duqaymo ka fuliyeen, meel xaduuda u dhow gaar ahaan magaalooyinka ay Kurdiyiintu haystaan, halkaas oo ay ku dileen 17 dagaalyahan oo ay ku jiraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada Nidaamka Suuriya.
Marka loo eego aragtida nidaamka Assad, mucaaradka Suuriya waa khatar jirta, halka YPG ay tahay dhibaato maxalli ah oo lagu xallin karo, in ciidamadeeda lagu daro Ciidanka Carabta ee Suuriya iyo siinta qaar ka mid ah xuquuqda maamulka maxalliga ah ee Kurdiyiinta Suuriya.
Dhinaca Turkiga-na, Ujeedada koowaad ee uu ka leeyahay Suuriya waa la dagaalanka YPG; halka Nidaamka Bashaar Al-Asad, muhiimadiisa koowaad ay tahay ladagaalanka mucaaradka Suuriya ee Turkigu taageero.
Arrimahaasi marka la eegay khubarada falanqeeya siyaasada gobolku waxay ugu dambayntii qabaan
mala-awaalka ah in Ruushku uu dano dhab ah ka leeyahay, in xal siyaasadeed laga gaadho Suuriya inta uu socdo dagaalka Ukraine waa fikrad qaldan sida qay qabaan khubaradu. Marka la eego fahamka istaraatiijiyada Ruushka iyo ololaha macluumaadka khaldan, Moscow waxay u badan tahay inay waqti iibsato oo ay ka hortagto, hawlgal kale oo militari oo u dhexeeya Turkiga iyo Suuriya inta ay ku mashquulsan tahay Ukraine.
Ruushku waxa uu og yahay in uu la kulmi doono dhibaato dhanka sahayda ah haddii uu sii xoogaysto dagaalka Suuriya, ka dib markii Turkigu xidhay marinnada Bosphorus iyo Dardanelles, hawadiisana ka xidhay diyaaradaha Ruushka ee u duulaya Suuriya. Moscow waxay u badan tahay inay inay hakiso Turkiga ilaa kharashka dagaalka Ukraine uu hoos u dhacayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker