Hargeysa Dekedeeda & Kastamkeeda Cashuurtu Dawlada Dhexe & Ta Hoosaba ka soo Gasha waa Airportka & Saylada Labaduba Waxay ku yaaliin Koonfurta Hargeysa …
Somalidu waxay tidhaahdaa Ninkii seexdaa Sicii Dibi dhalay, Xaafadaha Maxamuud Haybe, Ina Mooge & Axmed Dhagax, Cashuur ay bixiyaan, waxaana u dheer ta ay Airportka & Saylada ka soo gasha Dawlada Dhexe &
Ta Hoosaba, hadana oloshii asaasiga ahayd ee Biyo & Wado midna kuma
haystaan, Dadkaa Xafadahaasi degen.
Maayirka Cunfiga & Cuqdada & Qaybaalada ku caan baxay ee Calool Dameer
si aan gabasho lahayn, oo isku halayn uu isagu halaynayo, Xukuumada Kulmiye
ee Jeegaanta la baxay ee Siilaanyoย Qabyaaliiste & Muuse Shaani ayuu si cad
u diidey inuu Xaafadaha u dhiso Wado, oo xiita Wadada Halablaha ee Quxuda
Caasimada ee Airportka cid kastaa soo marayso u diidanaa.
Bal Hadaba, Shicibka Xaafadahaa ku nool ee Cashuurtii iyaga laga qaadey ee ka
soo baxaysey ee Airportka & Saylada uu Maayir Soltecko intuu ka qadiyey uu
ku dhiso xaafadiisa, Koodbuur & Jigjiga yar & Buurta Kala Jeexan, ee u diidey
inuu Wado u dhiso, Xaafadiisana uu Wadooyin Roogaga u dhiso, maxay la hur-
daan ee Waayeelkoodii & Kuwii Xanuusanayba ay Kelya xanuun kawada qaadeen Wadooyinka wada jajabey, ee ay dooxa u dhex maraan Basaasku &
Ta Saylada ee Cashuurta ugu badan ka soo xareeto, oo Boholo & Dhagaxnayo
wada noqatey.
Kolkaa Shicibkaasi Xaafadaha ku nool hala xisaabtamaan Maayir Calool Dameer & ka Doqonka ina Cagaweyne ee sida Jaahilka u cabaada, oo yey
Cashuur bixin, ooyey soo shaqo tegin, oo Baabuurta & Basaska hawada
dhigaan, oo Mudahaaraad ha sameeyaan, hadii kale Jigjiga Yar & Goljano &
Buurta ala Jeexana Cashuurta Saylada &Airportka ka soo baxda oo Xaafadiina
ku yaala ayuu Calool Dameer ku qurxin, idinkana Qalaafo & Dalbo, & Kuf &
Dhac & Jilbahoo idin wada murxa,ย Baabuurta & Basaskiina oo kuwada kharaaba, oo Geerashayda wada geysaan ama wada tuurtaan ku jira.
Shicibka Maxameuud Haybe, Ina Mooge & Axmed Dhagax & 31 Mey ama kaca
oo Mudahaarada, oo Cashuurtana diida, kolkaa wey laydiin dhisi, ama duligaa
ku jira.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama
ashaa.j@live.nl