Ceerigaabo iyo Xuska Maalinta Dabargoynta Gudniinka Haweenka

Ceerigaabo(OWN) Hay’adda Candlelight ayaa waxay maanta magaalada Ceerigaabo kuqabatay munaasibad ujeedkeedu yahay Xuska maalinta cidhibtirka gudniinka fircooniga ah.

Waxana munaasibaddan kasoo qaybgalay mas’uuliyiin kasocotey maammulka heer-gobolka Sanaag  iyo heer-degmada ceerigaabo, madax-dhaqameed iyo haween iyo dadwene tiro badan oo isugu jirey qaybaha kale ee bulshadu ka kooban tahay, halkaasoo iyadoo hay’adda candlelight looga mahadceliyey qabashada xuskan, waxa sidoo kalena laysla qaatay inkastoo uu sannadihii ugu danbeeyey soo yaraanayo haddana uu gudniinka fircooniga ahi yahay aafo dhibaato weyn kuhaya haweenka sidaas awgeedna loo baahan yahay sidii loo cidhibtiri lahaa.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker