Maxaad ka ogtahay Magaalo sannadkii mar qudha la tegi karo oo ka Tirsan Dalka India
Tuulo ku taal gobolka galbeed ee Goa ee dalka India ayaa sannadka oo dhan bil keliya la tagaa, 11-ka bilood ee kalena gabigeedaba biyo qariyaan.
Marka biyu gudhaan ayaa dadkii berigii hore deganaan jiray tuuladaasi iskugu yimaadaan oo daawadaan waxa ka sii taagan gurihii ay deganaan jireen.
Tuuladaas oo la yidhaa Curdi ayaa waxay ku taal laba buurood dhexdood oo ku yaal dhanka galbeed ee biyu kaga soo rogmadaan webiga Salaulim, oo qudhiisu ah mid yar oo ka farcamay webiyada waawayn ee dhex mara gobolka Goa.
Beri ayey ahaan jirtay tuulo cammiran oo ku taal koonfurta bari ee Goa.
Sannadkii 1986-kii ayaa tuuladaa dad dega ugu dambaysay.
Waa markii biyo xidheenkii ugu horreeyey gobolka la dhisay, taas oo natiijadii noqotay in tuulada gebigeediiba biyuhu liqaan.
Laakiin sannad kasta bisha May ayaa biyuhu gudhaan oo waxa soo baxa wixii ka hadhay dhismayaashii tuulada.
Dhul dildillaacay, geedo engegay, hadhaaga dhismayaal ahaan jiray guryo iyo goobo cibaado, maacuun guri oo jajaban, moosaskii biyu mari jireen iyo dhul ballaadhan oo dirri banaan ah ayaa soo baxa.
Dhulkaasi wuxu beri ahaan jiray carro san ay dadka tuulada ku nool oo qiyaastiii tiradoodu ahayd 3000 oo qof beertaan. Beeraha bariiska waxa ku hareeraysnaan jiray dhirta qumbaha, Cashew, cambaha iyo dhir kale.
Hidu, Muslimiin iyo Masiixiyiin baa ku wada noolaa. Waxa ku yaallay macbad weyn iyo dhawr yar yar oo kale, kaniisad iyo Masaajid iyo Maqaam Muslinku leeyihiin. Waxa kale oo ay tahay goobtii uu ku dhashay Mogubai Kurdikar oo ahaa hoobal caana oo qaadi jiray heesihi hore.
Laakiin waxay wax kastaa is bedeleen markii Goa laga xoreeyey Bortaqiiska sannadkii 1961-kii.
Badhasaabkii ugu horeeyey ee gobolkaa, Dayanand Bandokar, ayaa tagay tuulada oo ugu bishaareeyey in biyo xidheenkii ugu horeeyay loo dhisi doono. Wuxu iskugu yeedhay dadka deegaanka oo wuxu uga waramay faa’idada uu biyo xidheenkaasi u yeelan doono koonfurta Goa.
“Wuxu noo sheegay in tuuladayada biyuhu liqi doonaan oo aan u hurno danta guud” ayuu yidhi Gajanan Kurdikar oo si fiican u xasuusan shirkii waagaa.
Kurdikar iyo dadkii kale ee deganaa tuulada oo ka badnaa 600 oo qoys ayey qasab noqotay in loo raro tuulooyinkii u dhowaa laakiin waxa la siiyey dhul iyo mag dhaw kale.
Wuxu ahaa mashruuc aad loogu hanweynaa oo laga dhisay webiga Salaulim, waxaana loo bixiyey Mashruuca Waraabka Salaulim.
Ujeedadu waxay ahayd in biyo la cabbo iyo kuwo beeraha lagu waraabiyo oo heer warasheed ah lagaga dhiso koonfurta Goa. Waxaana la doonayey in maalintiiba 400 milyan oo litir oo biyo ah ay shacabku ka helaan.
Laakiin biyo xidheenka biyihiisu ma gaadhaan tuulooyinkii la dejiyey dadkii laga raray tuulada Curdi.
“Biyihii dhuumaha lagaga soo qaadayey biyo xidheenkaa ee tuulooyinka koonfurta Goa loogu ballan qaaday namay soo gaadhin” ayuu yidhi Gajanan Kurdikar, “markaa biyahan aan cabnaa biyo xidheenka kama yimaadaan” ayuu ku daray.Tuulada Vaddem oo uu imika deganyahay Kurkidar waxay leedahay laba ceel oo waaweyn, laakiin bilaha Abriil iyo May ceelashu way gudhaan. Waxa markaa biyaha la cabbo u keena booyado dawladdu leedahay oo u soo dhaamiya.
Markay biyuhu gudhaan bisha May, ayaa dadkii deganaan jiray tuulada Curdi u daawasho tagaan waxa ka sii taagan dhismayaashii tuuladii ay deganaan jireen.