Raila Odinga oo loo diiday in loo furo qalabka codadka doorashada

Warqad qoraal ah oo loo qoray dhinacyada ay khusayso dacwadda ka dhanka ah doorashada ee ka socota maxkamadda sare, ayaaa shirkadda lagu magacaabo Smartmatic International Holdingn BV waxay u sheegtay in furitaanka nidaamka loo isticmaalo in lagu baahiyo natiijada foomka 34C uu ku xadgudbayo xuquuqdeeda aasaasiga ah.

Warqadda ayaa la qoray Ogoosto 31, 2022, ka dib markii uu soo ifbaxay kala duwanaansho soo kala dhexgalay dacwoodayaasha ka soo horjeeda doorashada madaxweynaha iyo guddiga doorashada ee IEBC taas oo ku saabsan helitaanka qalabka xogta codadka doorashada si ay u baaraan waxa ku jira.

Qareen Phillip Murgor ayaa maanta maxkamada ka hor ka cawday in IEBC ay diiday in ay ixtiraamto amarka maxkamada iyaga oo u diiday saraakiisheeda fursad ay ku galaan oo ay baaritaano ugu sameeyaan dhamaan sideeda xoog kaydiye.

“IEBC waxay diiday in la baaro server-keeda, waxay noo ogolaadeen inaan baarno shan server oo kaliya, waxaana aragnay tiro badan oo ah in la tirtiray xogta muhiimka ah, sababtoo waxay na siin doonaan macluumaad aan loo baahnayn” ayuu yiri Murgor.

Warqadda, shirkadda Smartmatica waxay ku dartay in server-yada loo furo qofka cabanaya ay ka dhigayso nidaamka mid aan ammaan ahayn sababtoo ah waxaa laga yaabaa in loo isticmaalo doorashooyinka mustaqbalka ee Kenya ama meelo kale oo adduunka ah.

“Marka laga soo tago ku xadgudubka xuquuqda aasaasiga ah ee shirkadda, tallaabadani waxay sidoo kale khatar gelinaysaa doorashooyinka meelaha kale ee isticmaala ama isticmaalay nidaamkayaga,” ayay tiri shirkaddu.

Si kastaba ha ahaatee, Maxkamaddu waxay sheegtay inay horay u soo gaartay Warbixin ku saabsan Baaritaanka lagu sameeyay Server-yada Arbacadi, waxayna ka codsatay Qareennada inay soo diyaariyaan cabashadooda, marka loo baahdo in Maxkamadda la horkeeno.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker