Caafimaad xummada ay sabbabaan cuntooyinka aan la soo marin Shaybaadhka:- W/Q Rakad Mxd Sultan

Soomaalilaan waa waddan intii ay jirtayba cunto iyo cabitaanno aan la baadhin cunaysay iyo xannuuno cusub oo laga qaado.
Tirada dadka soomaalilaand waxa lagu qiyaasay  in ka badan 4 malyan oo qof, dhammaan dadkaasi waxay cunaan oo ay cabaan cunto iyo cabitaano aan la baadhin oo aan soo marin shaybaaadh la hubo. Kuwaasoo intooda badani ka yimaadaan dibadaha iyo waddamada Jaarkaba.
Maalinkasta waxa aynu maal-galinaa dhismayaal ay ku baxayaan balaayiin Doolar iyadoo aynu ognahay dhaqaalaha ku baxa iyo isku dayashada ka dambaysa. Halka waxsoosaarka iyo beerihiiba la ilaaway oo aan la hungurayn.
Xannuunada cusub ee aynu aragno waxa sababa cunista iyo cabista aan la shaybaadhin ee maalinkasta laynoo soo dhoofiyo.
Dhammaan dadkeenna maanta la jiifa xannuunada, ama ay ku dhaceen xannuuno cusub  oo Aynaan hore u arag  waxa sabab u ah cuntooyinka iyo cabbitaanada aan tayadooda la hubin oo la joogteeyay kuwaas oo aan dawladdeenu wax shaybaadha aanay saarin oo aynaan haysan “Labotary for food Testing”
Labotary labku waxa ku baxa lacag aan badneyn oo ka yar inta aynu maalinkasta wax ku dhisano taas  oo ganacsatadeenna iyo dawladeennuba  awood iyo dhaqaalaba ay u heli karaan.
Dhaqaalaheenna, aqoonteenna iyo dawladnimadeenna miyaa la waayay awood lagu sammeeyo “Laboratory Centre” shaybaadho u gaara cuntooyinka iyo cabitaanada dibada innooga yimaada?
Caalamka waxa ugu qaalisan caafimaadka maantana ma hubno heerka  uu marayo caafimaadkeennu waayo waxa aynu cunaa oo aynu cabnaa cuntooyin iyo cabitaanno aynaan damaanad ka haysan ama aan shaybaadh lagu sammayn innagoo dayacnay cuntooyinkii dalkeenna kana dooranay kuwa dibadeed oo aan la hubin.
 Iska daa kuwa dibada laga keennee Waddanka waxa ka jira ilaa dhawr iyo toban warshadood oo biyo soo saara biyahaas oo dhammaantood kala wadda tayo ah cid baadha iyo cid tayadooda la socotaanna ma jirto taasina waa shaqaddii ay lahaayeen Hay’adda Dhawrista tayada oo aan sidii la rabay u shaqayn.
Dad marka la doonayo in la curyaamiyo waxa laga maraa xaga caafimaadkooda waxaana lagu soo dal-dalaa cuntooyin iyo cabitaano lagu qoray  dibada kaliya  “Export only ”  inagu ma hubino oo waynu cunaa oo cabnaa!
Hay’ada tayada qaranka ayaa ah hay’ad ka gaabisay oo ku fashilantay shaqadii qaranka ee tayada guud gaar ahaan cuntooyinka  dibada ka yimaaada marka loo eego juhdiga iyo dhaqdhaqaaqa  ka muuqda.
Haddii la dar-dar galiyo hay’adda ka shaqaysa Shaybaadhka baadhista cuntada iyo cabitaanka waxa kor u qaadmaya tayada caafimaad ee bulshada iyo kalsoonida lagu qabo ganacsadatada, waxaana yaraanaya xannuunada laga qaado cuntooyinka dibada ka yimaada ee dhacay ee dib loo baceeyo. Anigoo markasta dhiirrigalinaya waxsoosaarka dalka haddana lagama maarmayo mid dibadeed taasina waa mid u baahan in si adag loo baadho loonna hubiyo.
Haddii Cuntooyinka iyo sharaabkaba  la baadho Kaliya waxa lagu dhajinayaa Calaamada hubinta tayada,  dadkeenna waxa lagu wacyi-galinayaa inay iibsadaan alaabta la hubiyay ee la  shaybaadhay.
Arrintanu Waxay abuurraysaa shaqo abuur iyo dhaqaale laga heli doono.
Waxqabsi la’aanta ina haysa waxa ku tusaya xoolihii iyo shidaalkiiba shaybaadho ayaa loo sammeeyay su’aasha meesha taallaa waxa weeye wixii dadku cunayeen ama cabayeen maxaa loo  baadhi waayay?
Dadka iyo gaadiidka kee muhiimsan ileen waatan la sammeeyay shaybaadhkii shidaalka iyo kii xoolahabee!.  Soomaalilaand waxa ugu badan ee ay dirtaa waa xoolaha iyagana sida loo baadho iyo sida loo soo celiyo waynu ognahay!.
Xaqiiqdii Haddii la hir-galiyo labka  baadhista cunnooyinka iyo cabitaankaba ganacsato badanbaa fashilmi doonna ama diidi doonna hay’ada shaybaadhka cuntooyinka.
Aqoonteenna iyo dhaqaalaheennaba aynu isugu gayno sidii aynu u sammaysan lahayn (Laabka baadhista cuntooyinka) Laboratory Food Testing,  taasi waxay kor u qaadaysaa caafimaadkeenna iyo maamul wanaageenaba waxaanay hoos u dhigaysaa xannuunada iyo in cidkastaa keento waxkasta.
Waxaan kaloo xukuumadda ku boorinayaa in la hirgaliyo waxsoosaarka dalka oo la badiyo, beeraha iyo waxay soo saarayaan oo dalka lagu socodsiiyo lana qorsheeyo in ciddii dalka wax soosaar ka samaysa la caawin doonno oo dhul iyo adeegba loo balan qaado.
Anigu waxaan aamin san ahay haddii aynu dalkeenna aamino oo aynu waxsoosaarka badino in mustaqbalkaba aan  dibada waxba looga baahdeen.
Dadka waxaan leeyahay Qofka ugu nasiibka badani waa qofka manta dhulkiisa wax kala soo baxa kana faa’iideysta khayraadka ka dhex buuxa taasina waxay u baahan tahay awood dhaqaale iyo ku dhac,  waxaanan idin leeyahay Halka malyan ee doolar ee aad Guriga galinaysaan ama fooqa galinaysaan Bal Beeraha galiya oo Waxsoosaarka dalka hirgaliya.
Cidda Beeraha iyo waxsoosaarka sammayn kartaa waa shacabka, shacabkana waxa la gudboon innay qorshaha ku darsadaan in ay dhulkooda beertaan ka dibna ka faa’iidaan se yaannay ka fikirin innay Maraakiib cuntaa ka soo iibsadaan waddamo shisheeyo ka dibna marka ay alaabtaasi dhacdanna ay ka fikiraan sidii ay dib u soo bacayn lahaayeen iyadoo dalka taalla waanna nasiib daradda inta badan dhacda.
Waxaan ku soo koobayaa aynu dagaal hal dhinac ah la galno cidkasta oo keenta Alaab tayadeedu hooseyso iyo Alaab dhacday, aynu soo gudbino oo aynu fashilino, dawladduna talaabo adag ha qaado ciddii lagu qabto alaab dhacday ama ay tayadeedu ka hooseyso habka caalamiga ah, taasi waa dawadda kaliya ee aynu ku joojin karno.
Rakad Mxd Sultan
+0634400319
Dhiirri-gali dadkaaga
Berbera.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker