Daad-madheedh: Badhasaabka Oo ka Warbixiyay Maxaabis ay kala Wareegen Maamulka Degmada Gaashaamo.

Maxamed Diiriye Xayd guddoomaha gobolka Daad-madheedh ayaa sheegay maamulka degmada Gaashaamo ee Itoobiya ay u soo gacan galiyeen dambiileyaal ay xukuno ku rideen maxkamadaha Somaliland.

Gudoomiye Maxamed Xayd ayaa telefishanka Saab u sheegay in dadkaasi ay ahaayeen kuwo lagu helay dembiyo mukhaadaraad, isla markaana lagu riday xukuno kala duwan.

Guddoomiyuhu waxaa uu intaa ku daray in talaabadaasi tahay mid xoojinaysa wada shaqaynta labada dhinac.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker