Siddeed Dal Oo U Soo Gudbay 8-da Dhammaadka Tartanka Koobka Adduunka

Waxaa la soo geba-gabeeyay xalay ciyaartii u dambeysay ee wareega 16-ka, kadib markii xulka Ingiriiska uu rigoorayaal ugu soo baxay wareegga 8-da. Xulalka Ingiriiska iyo Colombia ciyaartii dhex martay ayaa la isla dhaafi waayay 90-kii daqiiqo 1-1, waxaana lagu daray 30 daqiiqo dheeraad ah, inkastoo wax goolal ah aan la iska dhalin.

Waxaa loo dhigay rigoorayaal, waxaana Ingiriiska uu rigoorayaashii la dhigay ku badiyay 4 iyo 3, xulka Colombia ayaa iska lumiyey fursad soo martay oo ay kaga faa’ideysan lahaayeen rigoore ay iska khasaariyeen Ingiriiska, balse Colombia ayaa labo rigoore isku xigtay iska khasaariyay, taasi oo Ingiriiska rajadooda soo nooleysay.

Siddeed dal ayaa u soo gudbay wareegga afar dhammaadka, waxaana ay kulamada qaar ay yihiin kuwo adag .

Xulalka ayaa isugu aadan sidan.

France vs Uruguay

Brazil vs Belgium

Russia vs Croatia

England vs Sweden


home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker