Maxamed Baashe: Miyuu Gafay Mise waa la-Gatay?
Intaanan ka jaawabin suaasha maqaalkani u baxaayo — waxay tahay marka hore inaan ka isdultaago suaasha ah — Maxamed Baashe Waa maxay shaqeeyadiisu?
Maxamed Baashe Waa halabuur sugaan dhaadhi ah, nin karti badan, ma daale, nin shaqo badan (workaholic), halgamaa ay u dheertahay dacadnimo(honesty and integrity) iyo waliba dal iyo dad jacayl.
Dhinaca juhudiggii u galiyaKulmiye iyo Maddaxwaynaha —Maxamed Baashe, waxa uu ka mid ahaa xogaggii bulshada hogaaminaysay (Social leaders) aan habeen iyo maalinba seexan sidii Xisbiga Kulmiye ugu guulaysan lahaa tartankii doorashada Maddaxtinimada ee dalka ka dhacay 2017. Dalka Dibadiisa iyo gudahaba xoog buu uga olaleeyey. Waa raggii dantiisa iyo caruurtiisa uga dib jiray sidii talada dalka ugu guulaysan lahaa — Maddaxwayne, Muuse Biixi Cabdi. Nin kaga haboonaa in xil qaran in loo dhiibo ma jirin. Waayo wuxuu leeyahay kartideeda iyo aqoonteeddii — horumarka dalka ayaa u bahaanaa isaga iyo aqoonyahanada qayrkiisa oo kale ah.
Rag badan oo aqoon yahano ahaa oo guusha xisbiga lahaa ayu ka mid ahaa Maxamed Baashe oo kaalintii ay ku lahaayeen Guushi Xisbiga iyo maddaxwaynaha la ilaabay (neither acknowledged nor rewarded). Suaasha ayaa ah Maxamed Baashe dadkaasi buu ka mid ahaa balse Maxaa ku kalifay inuu ka horyimaado qaranka?
Mawduucan ayaa dood ila marayso ah bulshada galiyay— waxayna u kala jabeen koox kala aaminsan fikirado kala duwan. Waxa ugu badan dadka aaminsan —Maxamed waxa gatay mashruuca Qatar ay maalgaliso ee Raysal wasaare Ku xigeenka maddax loga dhigay. Mashruucaasi ay bulshada Somaliland dhaafsada shilimaan si qaranka iyo dadkiisa la iskaga horkeeno. Hadaba suaasha ayaa ah mashruucani ma gatay — Maxmaed oo mala hayaa xaqiiqo cad? mise arinkiisu waa cadho ka kacday markii mudnaantii u lahaa la siin waayay?
Hadaba cadayn uma hayno in Maxamed mashruucaasi gatay (no evidence). Balse hadana cilmiga bulshada ayaa ku dooda hadii qof, qalab, aalad ama xaladiba iskaga gudbto laba marxalood oo aad isku khilaafsan (from one extreme to another extreme) waxbaa khaldan. Maxmed waxa uu iskaga gudbay laba xaladood oo kala fog. Gooni isutaaga Somaliland inay tahay muqadis iyo Somali wayn. Markaasi markeebu khaldan yahay? Markeebu saxasan yahay?Maxaa badalay? Miyaaa la gatay?
Cilmiga bulshada ayaa marxalada Maxmed oo kale shaki badan galinaya kuna doodaya in arinka si aad u wayn oo qoto dheer looga badho in COVID19 gadasho ahi ku dhacday iyo inuu ka caafimaad Qabo— Waayo waxa uu iskaga gudbay laba marxaladood oo aad isku khilfsan si arinkiisa meel loo saaro.
Jawaabta maqaalkan ayaa ah mid ku dhisan aqoonta aan u leeyahay isaga oo ah in arinkiisu tahay tahay mid ka kacday— isagoon tixgalintii uu lahaa aan la siin iyo isagoo niyad jab ka muujiyay horumarka dalka marku isga iyo raggii la mid ka ahaa ka waayay hogaanka qaranka. Maxamed qaranka wuu ku gafay balse ilama muuqato in la gatay waayo ma hayno cadaymo in mashruuca QATAR maalgalisaa iibsaday — waxanan qabaa gafkaasi u ka galay rabitaanka dadkiisa inuu ka soo noqon doono.
Axmed Cabdi Ciise
Social Scientist