Kenya oo 1500 oo shaqaala ah u direysa Israa’iil xili ay dagaal kula jirto Xamaas

Dowladda Kenya ayaa Israa’iil u direysa 1500 oo qof oo beeraley ah, sida ay sheegtay wasaaradda shaqaalaha dalkaas.

Tallaabada dowladda Kenya ayaa imaneysa muddo laba todobaad kadib markii ay dowladda Malawi Israa’iil u dirtay shaqaale gaaraya 221 qof oo dhalinyaro ah si ay beeraha ugu shaqeeyaan.

Kenya ayaa sheegtay in shaqaalahaas ay saxiixi doonaan qandaraas soconaya saddex sano oo la cusbooneysiin karo, iyagoo bishii mushaar ahaan loo siin doono lacag dhan 1500 oo doolar.

Israa’iil ayaa wajahaysa shaqaale yari dhanka beeraha ah, kadib marki ay halkaas isaga baxeen dad badan oo ajnabi ahaa dagaalka awgii.

Safiirka Israa’iil ee Kenya, Michael Lotem, ayaa BBC-da u sheegay in Israa’iil ay qorsheyneyso inay tababarto shaqaale uga shaqeeya beeraha oo ka socda dalka Uganda iyadoo durbaba bilowday inay tababar siiso kuwa ka soo jeeda dalka Tanzania

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker