Muuse Biixi Mujaahidnimada uu sheegtaa, Waa Danyarta oo Beerahoodii Xoog & Xabad ku qaatey, welina ku haysto & Inuu Shicibkii Xabad la dhaco,

Shacabka Somaliland, Been, Cunfi & Cuduka Qabyaalada kama koraan, intey
sidaa yihiina weligood meelna gaadhi maayaan.
Muuse Biixi wuxuu sheegtaa, Reerkiisa & Kulmiye ku sheegaan Mujaahid
meel uu ka dagaalamay oo uu ku suntan yahay cid sheetaa ma jirto, inuu
joogay Xadka mooyaane, Muuse waxay Dumar ku amaanayey ku sheegeen
inuu Sabaayada la dubi jirey, oo Imika Mujaahis Sabaayad loo bixiyey, waxa
jirtey barigii halgankii, Gaas Cigaal, Gaas Fadhato, & Gaar Wardoon, kolkaa
waxa la inoo sheegay inuu ka mid ah Gaas Sabaayad.
Bal Hadaba, Muuse waxa maalin kasta soo baxayso intii Mujaahidiintu Dalka
difaacayeen, uu Boob & Hantida Danyarta uu tafa xaydaan oo uu Gaas Fadhato
ka mid ahaa.
Waayo Beertii Marxuunkii Cismaan Dacas, berigaa ayuu xoog ku qaatey oo uu
weli ku haystaa, Beeraha hada uu ku andacoonayo Madaxtooyada ayaan u
rarayaa, waata Reerkii & Dumarkii oo barooranaya oo oog & Ciidan u kula
wareegay Wiigan Warbaahinta ku jirta.
Muuse Danyartii & Shicibkii ayuu xabad la dhacay oo dib u qixiyey oo Anigoo
wax dili kara duco qaadan maayo, ee Degta qorigu hay jaro,
Sidaas Darteed. Bal Muuse ujaahidnimada lagu sheego waxa weeye inuu
Shicibka Xabad la dhacay, Inuu C/Tuur Dagaal & Colaad & Xabad la dhacay inuu
Shicibka qixiyey oo uu xiitaa Ducada u diiday, inuu Meel uu kaga dagaalamay
jirin, ee uu Sabaayada dubi jirey, ama uu Beeraha & Hantida Masaakiinta Xabad & xoo g ku qaatey.
Muuse Biixi isagoo sidaasa, ayuu Kursigiina kolna Odeyegii Daalinka ahaa ee
Siilaanyo kolkuu Shaani la dhacay uu xoog ku saarey oo u boobey Kursigii
Kulmiye oo uu Musharax ku noqdey, oo Kulmiye & Ragii sharxnaa iswada
casileen.
Muuse ursiga hada ee xaaraanta, Xaqdarada, Dulmiga & Boobka & Dhiiga loogu cumaadey, Daalinkii Siilaanyo & Komishinka Xaaraanta ayaa Xoog &
Xaqdaro ku saarey oo cadayntii ay warbaahinta ku jirtaa, sidaa Komishinka
Taliyaayaasha Ciidamada ee Xooga Dalka & Booliisku ugu boobeen.
Sidaas Darteed, Muuse isagoo wewligiiba, hiiga Umada Islaamka, Xaqdaro &
Boob Hantida & Beeraha Shacabka & Xabad & Xoog Kursiga ku fuuli jirey
imikana ku haysta, ayuu ku daray, Umadii oo uu kala qaybiyey, Jeegaan &
Reero ku dul nool,  oo Reerana Boqortooyo sida eegaanta H/Jeclo & H/Awal
oo ku andacooday Gaashaanbuur & Jeegaan, oo Siilaanyo Qabiilayste, Xarrashe Ilaahay uugama tegeyo oo waakaa Dubai, Xoolihii Umada ku jaqaya
& Muuse jaani isu dhiibeen, isu boobeen, isaga degeen Kursigii, Umadii
kalana, nagu hoos noolaada, nagu daba fayla, Jeegaanta & labada Reer daba
socda.
hadaba, shicibka S/and odoba Sano oo Siilaanyo Xaraashe, Dikteytar, Qabyaaliistee haystey, hadana Muuse Shaani, oo Shicibkii kala qaybiyey Jeegaan & Laba Reer ku andacoodey, Madaxtooyadii intii S/Land dhidnayd
halkii ay ahayd ku andacoodey waan rarayaa oo Xaafadayda ayaan uula guur-
ayaa, dee bal Dikteytarkii Siilaanyo & Muuse Shaani Dikteytarnimadiisa ama
Shicibku Daawadayaal ayey ka ahaan, ama wey ka tashan.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker