Muuse biixi halkii laga taabtaaba Wey soo Go,aysaa Haduu u Cadaalad Sameyn Waayey Laba Inan Oo Uu Adeer Yahey yaa ku aaminaya Dalka iyo Dadka
Maalin walba waxaa soo baxaya dabci iyo fashilaad
Qaran oo boog iyo Nabar ku ah Madaxweynaha
Talada haya Muuse Biixi Cabdi taas,oo ku suntan
Taariikh Madaw oo shakhsiyan ku Xidhiidhsan tan
iyo intii ay barteen Bulshada ugu baddan ee Ku
Nooleyd Caasimada Hargeysa,ha ubadnaadaan inta
Xogogaalka u ah dacwadaha Dhulka ee lasoo
kowsadey kusoo gurya noqoshadii dalka taas,oo qof
kasta oo caqli fiicani ku cabiri karro doorka uu ku
lahaa boobkii hantidii umadda ka dhexeysay ee
Guryihii Shacab Eeriya,oo markii dambena ku
baahdey beerihii banaanka Magaalada ee Dawlladii
hore laheyd oo u badnaa dhulkii danta Guud.
Soomaalidu waxey,tidhaa meyd keebaa u
dambeeyay kaa lasii sido,arinta ugu hadalheynta
badan ee ceebta iyo boogta ku ah Muuse Biixi,ee
Dibadda usoo saartey in uu Qeyb ka ahaa Dacwada
Socotey Labaatan sanadood waa ta ka muuqata
dhulkaa la isku haystey, ee inantu ka ooyeysay
habeen hore Warbaahinta, waana qodobka kaliya ee
ay ku kala duwan yihiin Saraakiishii SNM
badankooda oo iyagu u arkayey in halgankoodii ku
takhaluqey in ay u dadkooda ka xoreeyaan
Ciidamadii Cadaadiska iyo cabudhinta ku hayey,
haseyeeshee, aaney aaminsaneyn in ay halgankoodi
ku saleeyaan in uu noqdo mid ay xil iyo hanti ku
helaan ama ay ku cadaadiyaan dadkii Shacbiga ahaa
iyagoo awood u adeegsanaya, waa halka kaliya ee
ay ku kala duwan yihiin inta ugu badan ee
Mujaahidiintii SNM.
Haddaan dadweynaha Reer Somaliland Su,aal ka
weydiidyo fadeexadan haddii ay dadku iska qaateen
oo ay ka aamuseen in Muuse Biixi Xarun
Madaxtooyo kasii dhigto Gurigiisii, iyadoo aan
Doorashaba dalka ka dhicin, miyaaney kalitalisnimo
aheyn in uu maanta sii qorsheysto Madaxtooyo, ku
furan Beertiisii oo uu ka qaadanayo dad Shacbi ah
oo labaatan sanadood lagu haystey,oo dhib iyo
kharash iyo dacwadi kasoo gaadhey,Waxaan
leeyahey Muusaw Waxaad Maagan tahey iyo
Waxaad Mudan doontaa kala mid Weeyaan,
haddaad umadda ka xishoon, weyday oo illaahay ka
cabsoon weydey,oo aad markii hore ku shaqeysatey
awoodii halganka SNM maanta aad taladii aad
qabatey ugu awood sheeganeyso shacbiga,waa ceeb
inteeda lee goo halkii lagaa taabtaaba wey kusoo
go,aysaa ileyn nabar iyo boog weeyaan
aragtidaadaaniye waxa isweydiin leh ninkaagaa laba
inan oo uu adeer u yahey u cadaalad Sameyn
Waayey sidee laguugu aaminayaa inaad intaas oo
Gobol ee Somaliland iyo shacbigiisa u hogaamiso?
Najiib Ismaaciil Maxamed
Gabiley Somaliland
Tell:0634466339