Ururka Alshabaab oo Dadkii ugu Badnaa ku Laayay Dalka Mozambique

Maputo (OWN) – Booliska dalka Mozambique ayaa sheegay in xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee dalkaasi ay tuulada Xitaxi ee gobolka Cabo Delgado ee Waqooyiga dalka ku dileen 52 qof oo shacab ahaa.

 

 

Afhayeenka Booliska dalka Mozambique, Orlando Mudumane ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in dadkaasi la dilay badi ay ahaayeen dhallinyaro diiday inay ku biiraan ururka Al-Shabaab ee ka aas-aasan dalka Mozambique.

 

 

“Si naxariis darro ah ayaa 7-dii Bishaan loo dilay dadkaas, qaar waa la gowracay, qaarna waa la toogtay waana wax lala yaabo. Dowladda tallaabo ay kaga jawaabeyso ayay qaadi doontaa,” ayuu yiri afhayeenka.

 

 

Mudumane ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka shacabka ah, gaar ahaan dhallinyarada dalka inay ka fogaadaan meelaha ay ku sugan yihiin dagaalyahanada ururka Al-Shabaab.

Ma jiraan wax sheegasho ah oo dhankooda kasoo baxay Al-Shabaab marka laga soo tago hadalka afhayeenka booliska dowladda Mozambique ee ku aadan dadka badan ee lagu dilay waqooyiga dalkaas.

 

 

Kooxda la magac baxday Al-Shabaab ayaa ka dagaalanta waqooyiga dalka Mozambique, waxaana la ogeyn inay xiriir la leedahay ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya, hase yeeshee warbixino hore ayaa sheegay in dagaal-yahanada kooxdan ay ku jiraan ajaaniib qaarkood ay Soomaaliya yihiin.

 

 

Kooxaha Islaamiyiinta ee dalka Mozampque ayaa toddobaadyadii dhowaa kordhiyey weerarada ay ka fulinayaan gobolka shidaalka qaniga ku ah ee Cabo Delgado, halkaasi oo ay doonayaan inay ka dhisaan dowlad Islaami ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker