Adeer waxaad tahay luul qaali ah oo raggu arki waayey

Gabar aan qaraabo nahay oo  uu dhalay nin Sheekh ah oo aad loo jeclaa ayaan ku iri: adeer maxaa reer u samayn weyday?. Waxay tiri adeer haddaan arko nin u qalma fursad waan siin lahaa!.

Waxaan ku iri adeer waxaad tahay luul qaali ah oo mudan inay noqoto marwo maamuus iyo meeqaan sare leh laakiin sida ay raggu kuu arki waayeen ama u garan waayeen qiimahaaga iyo qadarkaaga ayaad u arki weyday rag badan oo maamuus iyo meeqaan sare leh oo mudan inaad marwo u noqotid.

Adeer xalku waxaa weeye in dhallinyaradu wiilal iyo gabdhaba si miisaaman u fakaraan oo aan la isu xiran muraayado madmadow oo xataa wixii caddaa madoobaynaya.

Badanaa wiilashu waxay isugu sheekeeyaan in aan gabdho wanaagsan la ahayn oo dumarkii iska xumaadeen, halka gabdhuhuna ay ku sheekaystaan in aanay jirin rag u qalma oo loo hawoon karo. Xaqiiqdu waxaa weeye in labada qolaba ay ku jiraan dad wanaagsan iyo dad xun ee mushkiladu waxaa weeye in aan dhallinyaradu haysan halbeeg ay wax ku miisaamaan iyo dariiq ay u maraan doorashada qof wanaagsan oo geeyaan ah.

Gabagabadii dhallinyada hala baro halbeegga xulashada lammaanaha iyo dariiqa loo maro helista qofka wanaagsan.

 

Sh. Axmed Cabdisamad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker