Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo madaafiic isku weydaarsaday deegaanka Tukaraq

Tuka-raq: Wararka ka imanaya deegaanada u dhow Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada Puntland iyo Somaliland ay madaafiic isku weydaarsadeen halka ay isku horfadhiyaan.

Dhowaaqa Madaafiicda oo laga maqlayay deegaan ka fogfog halka laga ridayay ayaan la ogeyn qasaaraha ay geysteen.

Hase yeeshee madaafiicda ay iskood u istaagay kadib markii ay socdeen muddo saacado ah,waxaana jira weli cabsi laga qabo in madaafiicda kadib ay dagaal toos ah isaga horyimaadaan labada dhinac.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa isku horfadhiyay deegaanka Tukaraq ciidamo ka socda Maamulada Puntland iyo Somaliland kadib markii ay ciidamada Somaliland ay la wareegeen degmada Tuka-raq.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker