Beesha Caalamka oo Somaliland iyo Puntland fartay iney isku celiyaan Maxaabiista ay dagaalka Tukaraq ku kala qabsadeen

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa aad uga walaacsan iskudhacyada hubaysan ee ugu dambeeyay ee Shalay ka dhacay agagaarka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool una dhexeeya Puntland iyo ‘Somaliland’, waxayna ku baaqayaan xabbad-joojin degdeg ah.

 

Sida ay wararku sheegayaan, dagaal culus ayaa aroortii Khamiistii ka dhex qarxay ciidamada Puntland iyo ‘Somaliland’, waxaana lagu soo warramayaa in la isu-adeegsaday hubka cul-culus.

Saaxiibada caalamku waxay ugu baaqayaan labada dhinac inay si dhakhso ah u hakiyaan dagaalka, ay billaabaan wadahadal dhex-mara taliyeyaasha ciidamada goobta ku sugan, xaqiijiyaan gaarsiinta gargaarka baniaadanimo ee loo wado dadka barakacay, ayna ka wada-hadlaan kala-qaadista ciidamada iyo is-weydaarashada maxaabiista askarta ah ee la kala qabsaday.

 

Saaxiibada caalamku waxay tilmaameen in shaqaaqadu ay dhacayso iyadoo bartanka looga jiro xaalad bani’aadanimo oo adag oo sii cakirisay saamaynta duufaanta roobabka dabaylaha wata ee Sagar – isku-dhacyadu waxay keliya uga sii darayaan dhibaatada haysata dadka ku nool deegaanka.

 

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Belgium, Denmark,  Itoobia, Finland, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka waxay ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada inay dhowraan nabadda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker