Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in Somaliland diidday in Abiy Axmed iyo Farmaajo oo wada socda ay ka degaan Hargeysa

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in ‘Soomaaliland ay khasaarisay fursad dahabi ah’.

Intii ay jirtay dowladda federaalka ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa hakad ku jiray wadahadalladii siyaasadeed ee u dhaxeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Soomaliland.

Mahdi Maxamed Guuleed oo ah ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta GoobJoog ayaa faahfaahin ka bixiyay halka uu ku dambeeyo wadahadalka labada dhinac iyo waxa dhankooda u qabsoomay.

“Wadahadalka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya wuxuu ka mid yahay qodobbada ugu waaweyn ee ahmiyadda u leh guud ahaan qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaanna wuxuu waajib ka saaran yahay aniga iyo mas’uuliyiinta kale ee kasoo jeeda Soomaaliland, wuxuuna joogitaankeennu macno ku fadhiyaa marka ay wadahadalladaas miro dhal noqdaan”.

Mahdi Maxamed Guuleed
Mahdi Maxamed Guuleed

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa dhanka kale sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajoyo iyo madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ay xiriir toos ah lahaayeen.

“Markii madaxweyne Farmaajo la doortay kadib waxaa jirtay doorasho ay ku mashquulsaneyd Soomaaliland. Annagu aragtideenna waxay ahayd in saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani kii la doortaba in aannu la shaqeyno lana sii amba qaadno wadahadalladii horay u socday, mid aannu gaar u taageersaneyn ama aan niyadda ka rabnayna ma jiro, markii dambena waxaa toos u wada xiriiri jiray madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Biixi, xiriirkooduna wuxuu wanaagsanaa ilaa laga soo billaabo bishii Maarso ee sannadkii 2018-kii”, ayuu yidhi Mahdi.

‘Soomaaliland waxay lumisay Fursad Dahabi ah’

Hase yeeshee, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliland ay khasaarisay fursad gacanteeda soo gashay.

“Waxaan kuu sheegayaa in dhawaan ay Soomaaliland lumisay fursad dahabi ah oo ahayd in ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweyne Farmaajo ay rabeen in iyagoo wada socda ay ka dagaan Hargeysa, laakiin markii madaxweynaha Soomaaliland iyo maamulkiisa ay wada tashadeen ma aysan suurtoobin, ilaa haddana dhankeenna diyaar baan u nahay inaan mar walba tagno, ha noqoto Farmaajo oo kaligiis ah ama isagoo uu la socdo Abiy”, ayuu yidhi.

Farmaajo ayaa markii xilka loo doortay ballan qaaday inuu dardar galin doono wadahadallada labada dhinac ee wajiyada kala duwan soo maray.

Wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa markii ugu horreysay la billaabay sannadkii 2011-kii, markaasoo dowladdii kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya ka jirtay uu madaxweyne ka ahaa Shariif Sheekh Axmed.

Diblomaasiyiin kala duwan oo gaaray Hargeysa

Magaalada Hargeysa ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa aad ugu badnaa socdaalka ay ku tagayaan diblumaasiyiin iyo siyaasiyiin heerkoodu sarreeyo oo ka kala socday dalal iyo hay’ado kala duwan.

Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun ObasanjoXAFIISKA AFHAYEENKA SOMALILAND
Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo

Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo oo dalkaas madaxweyne ka soo noqday intii u dhaxeesay sanadihii 1999-kii ilaa 2007-dii ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Hargeisa ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.

Madaxweyne Obasanjo ayaa garoonka magaalada Hargeysa waxaa kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mid ah golaha wasiirada, duqqa caasimada, mas’uuliyiin katirsan axsaabta siyaasadda ee Somaliland, waxaana uu booqasho ku tegay xarumaha golaha wakiillada iyo maxkamadda sare, halkaas oo uu kula kulmay saraakiil katirsan laamaha kala duwan ee dowladda oo ay kamid yihiin waaxda garsoorka.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadhimo-sharafeed ku maamuusay madaxweynihii hore ee Nigeria, oo madaxda maamulkaas ay shegeen in booqashadiisu ay tahay mid rasmi ah.

Dhanka kale waxaa 19-kii Maarso booqasho taas lamid ah magaalada Hargeysa ku tagay Wasiirka arrimaha dibadda dalka Eretria, Osman Saleh.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Eretria, Osman Saleh.XAFIISKA AFHAYEENKA SOMALILAND
Wasiirka arrimaha dibadda dalka Eretria, Osman Saleh.

Sidoo kale waxaa siyaasiyiinta socdaallada kala duwan ku tagay Hargaysa kamid ah, Xoghayahii hore ee difaaca dalka Ingiriiska Gavin Williamson, oo 6-dii Janaayo ee sanadkan booqasho ku tagay Hargeysa, isagoo halkaas wadahadallo kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Wadahadallada Gavin Williamson, uu la yeeshay madaxda Somaliland ayaa xoogga lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Dhanka kale waxaa 19-kii Maarso booqasho taas lamid ah magaalada Hargeysa ku tagay Wasiirka arrimaha dibadda dalka Eretria, Osman Saleh.

Waxaa sidoo kale socdaallo kuwaas lamid ah Hargeysa ku tagay saraakiil kala duwan oo ka socday Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Hay’ado kale oo calaami ah, ayadoo ay halkaas booqdeen danjireyaal kala duwan oo caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo dawladaha kale ee gobolka.

4-tii bishii Abriil, ayaa waxaa Somaliland tagay danjireyaal matalayey dalalka Denmark, Midowga Yurub, Finland, Norway, Sweden, Switzerland iyo Boqortooyada Ingiriiska, kuwaas oo kulamo la qaatay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, madaxda Xisbiyada mucaaradka ah, baarlamaanka, guddiga doorashooyinka iyo ururrada bulshada rayidka ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker