Muuse Jeegaan, oo Wadankii Gude & Debedba ku qufulmey Gudihii Colaado & kala Qaybinta Jeegaan & Jeegaandiid &

Muuse Biixi wuxuu weygu ciirasantee taladu cayn wareegsantee aniga, Culays-
baa i saareen, eegaantaad xagee baan u ciirsadaa.
Muuse waligiiba Nabad kamuu talin, Dagaal Ooge anigoo wax dili kara duco
qaadan maayo, inkii Maatida qaxiyey, ayaa S/Gaal & kaahin oo Dhiiga & Afxumada ashruuca ka dhigtaan, ag fadhiyaan ku sii adkeeyaan kala qaybinta
Shacabka & ala dirka Somaliland & Colaado & Dhiig daata.
Muuse Saxxibkii Siilaanyo Xaraashe, Dikteytar ayuu ka dhaxlay dhibaato, Sixir-
barar, abaaro, isna wuu uga sii daray, oo Boob, Xabad & Dhiig & Jeegaan ayuu
ku iba furey Kursigii uu Siilaanyo Daalin u boobay.
Muuse Xadka ayaan soo xidhayaa, Daarood waan dhirbaaxi jirey, waxay u dhashay Dhiig & Daarood & Isir, kolkaasu Walaalo & waan baxayaa uu ka
dambaysiiyey, Muuse eegaan ayaa i dooratey, oo Garxajis & Wadani waa
S/Weyn, makaasaanu cod siinaa ayuu ku cabaadi jirey,
Muuse inuu Daalin yahay halkuu dawo & Isu soo dhawayn & Beer xaadhasho
u samayn lahaa, ayuu isagii sii daray, oo Ceel Afweyn uu Hubkii & Ciidankii uu
Reer kula dagaalamay, oo uu Geesigii Caare Debeda & Kaynta u galay.
Shirkii Garxajis ee Tabashada Reerka & Toosinta S/Land, & wax wada lahaan-
shihii ka soo bixi lahaa, ayuu u tafa xaytey inuu burburiyo, Odayo aad Moodo
inaanay Iimaan Lahayn, Cabsi Ilaahay & Ubadkooda & Reerahooda toona u
tudhayn, oo Caloosha & Hungurigu shaqeeya, oo Sharaf dhaca & Magac Xumada ay ku suntaanaan doonaan, Cidhibtooda Dambe ee aduun & aakhiro
toona intuu Xoolihii Masaakiinta uu Duufanada & Sixir-bararka wuxuu ugu qaban intuu ku soo shubtey sidii Telefoonka ay lacagtii ka dhex hadashay oo
wixii maqlaaba ay la yaabeen, Shirkii Garxajis waanu qaadacnay, oo ku kale
ayaanu ku dhawaaqnay, oo Gacalibaax waxba nagama yaalaan, ee Bali Mataan
ayaanu ku kale ku qabsanaynaa.
Talaw dayada Koofiyadaha xidhan, Caqligii, Maskaxdii & magacii ma waxa qaadey xaaraanta & Laaluushka Muuse Shaani ku soo shubtey.
Waayo Shirkii oo ayaamo ka hadheen, oo Gude & Debedba loo soo socdo oo
lagu soo qulqulayo ayey, isla taariikhda ku andacoodeen Shir Bali Mataan.
Odayada Koofiyadaha & Cumaamadaha xidhan ee kolkii Calooshii Xaaraan looga buuxiyey, caqligii ka lumey ee Riyoodey Shir Bali Mataan,  Magaciinii &
sharaftiinii Muuse Shaani ayaa ku ciyaarey.
Gudida Garxajis ee Shirka G/Libaax qabanaya, waa kuwaa Xalaasha qaatayaal
ah, Suldaamada Sharafta huwan noolaada, Jaambiir, cadagude, Boq,Raabi &
Suldaan, Ina Cali Madar & askar & Suldaamo Kale oo badan.
Biidhi qatayaasha, Koofiyadaha xidhan Ilaahay haydin soo hadeeyo, Magac
dhac, sharaf dhac & ceeb tolkiin & Garxajis ayaad huwateen.
Hangargraac lug uma dhutiyo, Odayada ku riooyadey Bali Mataan, Khuurada
ku jira,  Garxajis Gude & debedba wuu soo jeedaa, waanu is raacay.
Garxajisaw Guulayso, Guusha Shirka G/Libaax ayaa leh, Guuldarana Muuse
Shaani & Koofiyada Baclayaasha lagu soo shubtey ayaa leh.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker