Tallaabooyinka Raysal-wasaare Dr. Abbiy Ahmed Ali Waa Qaar Ka Mid Ah . “Taxanaha Geeska Cusub” Q:3aad:- Qalinka. C.S.F. (Jeesto).
Mudooyinka danbe waxaan waday qormooyin ku tacaluqa Geeska Afrikada Cusub ee dhawaan la filayo mustaqbalka dhaw. Marka loo eegayo dhinacyada Siyaasada, Cimilada, Dibloomaasiyada, DHaqaalaha iyo Ganacsiga iyo waliba Is-dhex-galka Bulshooyinka, Ifafaalooyinka muuqda hadda waxa soo if-baxaya jaanisyada Is-baddalada ee ku imanaya mandaqadan Geeska afrika taasi oo ay hoggaanka u qabaneyso Wadanka Faca-weyn ee Itoobiya Sidaan ku soo xusey labadii qormo ee ka horeeyey Qormadani.
Bud-dhiga salka u ah Siyaasada Geeska cusub waxa hagaya ama hormood ka noqonaya Wadanka Itoobiya oo ah mid qadiimiya isla markaana soo jireen ah, Aregtidiisuna ay fog tahay qorshihiisuna cad yahay kuna jihaysan sidii uu mandaqada uu ugu jeexi lahaa jiho ama jawi cusub oo la galiyo Geeska-afrika, Itoobiya marka cilmi ahaan loo baadhey Waxay noqotey wadankii aduunka ugu da,da weynaa. Waxana lagu xaqiijiyey (DNAdii ugu weynayd dunida , Baadhis danbe kadib waxa la helay in ay wax kasta oo jira oogada caalamka ay yadu u da,a weyn tahay ).
Waa ta keentay Amin-xaadirtan iney Itoobiya la timaado Siyaasad Fur furan oo balaadhan darmadeeduna ay gaadhsiisan tahay Geeska-afrika dhamaantii, Imikana waxa yada lafteeda ku dhacay is-baddel Siyaasadeed oo uu hogaaminayo hogaamiye dhalin-yaro ah Aqoontiisuna isugu jirto (Leadership, Milatery Expert, And Security Technition), Waana ta keentay in hogaamiyahani waxyaabo badan ka baddalo Siyaasada mandaqada isagoo ka duulaya Doorerka ganacsi, siyaasadeed, dibloomaasiyadeed iyo waliba is-kaashi quwadnimo ama gobal ahaanba.
Dalka itoobiya waxa uu ku dadaalayaa inuu saamayntiisa quwad ahaaneed ku yeesho mandaqada, Si uu u hanto yoolkiisaa siyaasadeed waxa uu u baahan yahay inuu dhamaan geeska isu soo dhaweeyo wixii khilaafana meesha laga saaro, Haday Itoobiya cid kala saaxiibayso xidhiidhka badaha ama marinada biyaha kaliyaata kuma eeka wadan Qudha Sida Somaliland oo kale, Balse waxay la xidhanaysaa heshiis siyaasadeed iyo mid ganacsiba ay la yeelanaysaa wadan kasta oo mandaqada ku yaala Sida Wadamada kala ah.
A:Kenya.
B: Ereteria.
C:Somalia.
D:Somaliland.
E:Djabouti.
F:Uganda.
H: Tanzania.
Arinka Somaliland iyo Dekadeeduba waxa ay ka mid yihiin kuwaa ay Itoobiya la shaqaysanayso isla markaana ay la samaysanayso ganacsiga iyo wadaagitaanka shaqada Marsooyinka, Waana istaraatajiyada ugu muhiimsan ee ay ku hana-qaadeyso siyaasadan aan falan-qaynayaa ee la magac-baxdey Geeska Cusub, Dhinaca mandaqadana waxa si weyn isu baddalaya xidhiidhka dibloomaasiyada oo imika aad yara moodo inuu waxoogaa yaroo hadhi ahi saaran yahay, Marka loo eegayo gobalada kale ee qaraadan afrika iyo qaaradaha kale caalamka.
Hadii uu Raysal-wasaaraha itoobiya tago Soomaaliya ma, aha talaabadaasi mid wax u dhimaysa, xidhiidhka soo jireenka ahaa ee Itoobiya Iyo Somaliland ka xedheeyey waxaaney Somaliland ka mid tahay wadamada mandaqada ee ay Itoobiya dan ahaan danayneyso, Waa mala-awaal waxyaabaha aan ku arkayey baraha Social Mediayaha ee umada afka Soomaaliga ku hadashaa ay ku falan-qaynayeen Amuuraha ka dhaxeeya dawlada Federaalka Soomaaliya ee Farmaajo hogaamiyo Iyo Somaliland Iyo Waliba Itoobiya, Sawirada laga aaminayna waa qaar been ah.
Raysal-wasaaraha IItoobiya waxa uu wadaa dadaalo laga filayo Mustaqbalka dhaw Is-baddal hor leh inay sameeyaan, Lana tuhunsan yahay in Geeska-afrika si wacana ula jaan-qaadi doono dunida inteeda kale maadaama maanta loo tiriyo iney ka hadhsan tahay, Xaga Siyaasada, DHaqan-dhaqaalaha, Dibloomaasiyada iyo Horumarka Xidhiidhka Iskaashiga Heer Gobal Ahaaneed ama Mandaqad Ahaaneed, Sida saadaashu ku dhawdahayna waa rajo lagu kalsoon yahay inay bal inuun ay dunida nooceeda ay noqoto kana baxdo Qodobada biyo dhigey Sida Musuq-maasuqa.
Siyaasada aregtida fog ku dhisan ee Itoobiya waxba kamay baddalin hadii yada hogaankeedu is-baddelay Dhinaca Somaliland Saaxiibtinimadeedii iyo xidhiidhkii dibloomaasiyadeed ee ay lahaayeen, Haday noqoto qodabka maxaa uu Raysal-wasaaruhu Somaliland u iman waayey Horta Somaliland ma la aqoonsan yahay si caalami ah taasaa Su,aal ah, Waa maya oo waata raadinaysa Aqoonsiga sidaa darteed Heshiis way wada gali karaan laakiin Hogaamiye Caalami ah kama soo dagi karo Gageda dayuuraduhu ka haadaan ee Igal Internation Air-port, waayo waa aqoonsi la,aanta balse dalkiisa way kula kulmi kartaa Somaliland.
Waxba yaan laga didin dadaalada is-daba-taxan ee doorka ah Itoobiyana ay ka wado mandaqada iyo gobalkan geeska-afrika waayo waa abuuritaanka danaha dalkaasi, Cid kastana waa la saaxiib oo ay dan u aragto ama la wadaagaysa Siyaasad samida ay hada fidinayso, Somalilandna wax ka dhimi mayso hadii Soomaaliya lala kulmo waayo Sidaan u kala duwan nahay ayey danaheenu u kala duwan yihiin, Sidaa darteed mar kasta waa lama huraan waxa ay Somaliland la gashey Itoobiya.
Talaabooyinka barnaamijaysan ee uu wado Raysal-wasaare Dr.Abbiy Ahmed Ali waxay hor-dhac ama curasho u yihiin Geeska-afrikaha cusub ee jidka ku soo jira, Lana jaan-goynayo sida ama qaabka uu midho-dhalkiisu u qabsoomayo, Amuurtan saadaasheedu wacan tahay ayaa lagu diirsan doonaa marka ay hir-gasho isku soo wada dabaaloo hab-sami u talaabsiga iyo fur-furnaanta Raysal-wasaaraha cusubi tani ayey daaran tahay, Cidna duulaan kuma aha , Cidna lama dulaynayo balse gobalkan ayaa indhaha loo furayaa waa Geeska-afrika,e.
Sidoo kale waxay ka mid tahay talooyinka ay Itoobiya ka dhex qaadatey Urur-goboleedka Geeska-afrika ee IGAD, Oo in badan ku baaqay shirer iyo talooyin kala gadisana ka soo in Gobalka Geeska-afrika Iskaashi ku bahoobo si uu geesku uu dunida u hogaamiyo maxaa wacey mandaqadani waxay ilaa maanta hodan ku tahay (Raw Materialska ama Sources Of Energyga ), Sidaa awgeed waa ku waajib iney qorshe u yeelataa Dunida oo dhamina yada ayey indhaha ku haysaa.
Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).
Diplomatic Annalism.
Gabiley/Somaliland.