Hitler haddii uu noolaan lahaa, shirkadda Facebook “xayeysiin bay u sameyn lahayd”

Nin u dhashay Britain oo Ah Nin Majaajilayste ah, oo lagu magacaabo Sacha Baron Cohen, ayaa sheegay in haddii shirkadda Facebook ay jiri lahayd Xilligii Hitler ee 1930-meeyadii, ay siin lahaayeen meel uu ku xayeysiisto hadalladisii naceybka ahaa.

 

Ninkan ayaa si gaar ah hadalkaas facebook u sheegay xilli uu ka hadlayay Magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Wuxuu sidoo kale dhalleeceeyay Google, Twitter iyo YouTube oo uu sheegay in “balaayiin qof ay nacasiin ka dhigeen”.

 

Baraha Bulshada iyo bogagga internet-ka waxaa si weyn loogu cadaadinayaa in ay wax ka qabtaan faafinta macluumaadka beenta ah, gaar ahaan kuwa la xiriira siyaasadda.
Barta Twitter-ka waxay dhammaadkii October shaacisay in ay xayiri doonto xayeysiimaha siyaasadeed ee caalamka oo dhan, laga billaabo 22-ka Nomvember.

 

Horraantii isbuucan, Google waxay sheegtay in aysan aqbali doonin dadka xayeysiiya arrimaha siyaasadda ee raadinaya cod-bixiyayaal.

Falanqeeyayaasha waxay sheegayaan in Facebook hadda ay wajeheyso cadaadis badan oo ah in sharciga ay raacaan.

Shirkadda Facebook waxay qoraal ku sheegtay in Baron Cohen uu si aan sax ahayn uga hadlay shuruucdooda, ayna horey u mamnuuceen hadallada naceybka leh.

 

“Waxaan xayirny dadka taageera rabshadaha, waxaanna barta ka saari doonnaa qof kastoo amaana ama taageero arrimahaas. Ma jiro qofna – oo siyaasiyiintu ka mid yihiin – oo u ololeyn kara ama xayeysiin kara naceyb, qalalaaso ama dilka dad badan isagoo adeegsanayo Facebook,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Muxuu Baron Cohen yidhi?

Isagoo khudbad ka jeedinaya shirka ururka ka soo horjeeda meel-ka- dhaca ayuu Baron Cohen sheegay isagoo ku duraya milkiilaha shiradda Facebook:

”Haddii Facebook lacag la siiyo xayeesin kasta oo ku saabsan arrimaha siyaadda waa lagu daabici karaa xitaa haddii ay been tahay”. ayuu yiri.

”Haddii uu facebook jiri lahaa, kun sagaal boqol iyo soddomeeyadii (1930s,) Hitlar xitaa xayiisin ayuu sameyn lahaa”, ayuu intaasi ku sii daray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker