Wasirka Maaliyaddu ee Somaliland waa shax godkeedi la degay.
Wasaaradda Maaliyaddu waa laf dhabarka dalkeena waana halbawlaha waraabiya dhamaan hayadaheena duwaliga ah.
Wasaaradda Maaliyaddu waa ta kala wadda nolasheena, waana ta kal wadda habka dhaqan dhaqaale ee dalkeena, haddii khalkhal galo ama gaabis ku yimaado wasaaradda maaliyada Aminigeenu khal khal buu gelayaa, adeeg caafimaadna jiri mayo, waxbarasho iyo horumarna hadalkeedab iska day, isku soo wadda dubo Qarannimo siday ku jiraysaa baa adkaanaysa.
Haddaba waxaa inla gudboon inaynu masuuliyinta Wasaaraddaas loo magacaabayo aynu si wayn oo taxadir leh uga fekerno kuna soo xulno, Aqoon, Karti, hufnan, Cadaalad, wadda shaqayn( Team Work) iyo Daacadnimo.
Wasaaradda Maaliyaddu uma baahan Siyaasi ee waxay u baahantahay Dhaqaale yahay.
Ball an iskiin brao Wasirka Wasaaradda Maaliyaddu ee Somaliland mudane Yusuf Maxamed Cabdi Raage.
Aqoontiisa Waxbarasho oo uu inta badan debadda ku sameeyay.
1. Master of public Administration
2. Master of public finances
3. Master of science of international trade law and development.
Khibradiis dhaqaale.
Wasirka Maaliyaddu oo mudaddii ugu badnayd ka soo shaqeeyay Wasaaradda Maaliyadda oo uu shaqadaas ka bilaabay isaga oo dadiisu aad u yartahay kana soo shaqeeyay badiba waaxa ah Wasaaradda side kastamadda, Cashuuradka beriga goboladd iyo xarunta dhexe ee Wasaaradda kana gaadhaay heer sare.
Wasir Yusuf waa nine ku fiican Cibaadadda iyo Alla ka Cabsiga waana nine dhallinyaro ah oo aad iyo aad u fir fircoon, xagga wadda shaqaynta waa mid soo gelaysa waxbarashadiisa
(Master of public Administration ).
Ka dib markii uu xilka la wareegayba waxa uu wax ka bedel ku sameeyay madaxdii waaxa ah Wasaaradda oo uu ku bedelay dhallinyaro Aqoon sare leh oo fir fircoon iyo Dar dar hor leh ku hogaamisay waaxihii Wasaaradda taasina waxay keentay in isbedel wayni ku yimaaddo maamulkii shaqo ee Wasaaradda oo dhalisay kor u kac dhaqaale iyo Siyaasad cusub oo dhaqan dhaqaale
iyadda oo uu dhaqaalaha Wasaaradda muddo deer ku salaysnaa Cashuuradka Kastamadda laakin iminka culayska la saaray Cashuurta Beriga oo adduun waynaha kale u ah laf dhabarka dakhliga.
Taasina waxy keentay kor u kac dakhliga iyadda oo ay jiraan duruufo badan oo adag oo ka hor yimi wasirka iyo team kiisa.
Wasirka Maaliyaddu wuxuu isku xidhay Wasaaradda Maaliyaddu, Bangiga dhexe iyo guddida Qandaraasyadda oo wadda shaqayn dhawi ka dhaxayso si ay meesha uga baxdo wax aliyaale iyo wixii mad maddow ahi.
Tan iyo intii Somaliland jirtay waa markii ugu horaysay ee loo magacaabayo Wasaaradda Maaliyadda Wasir dhaqaale yahay ah, waxaan anigu is leeyahay maanta ayuu yimi ninkii wasaaradaas Ehelka u ahaa.
Horaana loo yidhi marka Ilaahay wax ku siinayo dadkeedu ku siiyaa.
Gebo gebaddii iyo gunaanadkii waxaan leeyahay Alayle Shaxdaas godkeedi baa la degay.
Runtii waxaa igu kalfay qoraalkan markan arkay qoraallo lagu dhaliilayo Wasirka Maaliyadda ee Somaliland ban goaansaday in ka dhiibto fikirkayga iyo sidaan u arko aniga oo ku salaynaya aragtidayda warbixintaas an kor soo dhigay.
Dhaliisha madaxda qaranku way furantahay oo waxaynu nahay dal dumuqraadi ah laaakin ha noqoto mid ku salaysan xog rasmiyah.
ALLA MAHAD LEH
faisal farafidiye