TOP SECRET: Dowladda Jabuuti oo Diyaarad Hub ka buuxo Si Qarsoodi ah ugu Gudbisay Dowladda Soomaaliya (WARBIXIN)

Muqdisho (OWN)- Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa si qarsoodi ah u soo huubsatay noocyo kala duwan ee hub ah iyadoo wali dalkaas uu saaran yahay cuno-qabatayn xagga hub ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay hore u saaray.

Warar hoose oo laga helay saraakiil dowladda Soomaaliya ka tirsan, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya hubka ka soo iibsatay waddanka Jabuuti oo ka mid ah Shan waddan oo ciidamo nabad-ilaalin ahi ka joogaan dalkaas.

Hubkan oo nooca waaweyn iyo ka fududba isugu jira, ayaa dowladda Jabuuti ka iibisay Xukuumadda Muqdisho, kaddib markii ay ciidamada Badda ee Jabuuti gacanta ku dhigeen hubkan oo saarnaa Dooni una socday Xuutiyiinta dalka Yemen.  Tallaabadan ayaa ka hor-imanaysa cuna-qabataynta xagga hubka ee Qaramada Midoobay hore u saartay dalka Soomaaliya.

Hubkan oo qaab suuq madow ah looga soo ibiyey Dalka Jabuuti, waxa lagu qaaday Diyaarad xamuul ah oo 22-kii bishii hore ee June ka dagtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Faahfaahinta Warbixintan ka daawo Muuqaalkan Hoose

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker