Dalalka G-20 Oo ku Yaboohay $21 bilyan Oo Lagu Tacaalo Covid-19
Kooxda G-20 ee ugu dhaqaalaha badan dunida iyo dalal kale oo uu dhaqaalohoodu kobcayo ayaa ballan qaaday lacag ka badan 21 bilyan oo dollar oo lagula dagaallamayo cudurka COVID-19.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in xubnaha kooxda G-20 iyo dalal kale oo ay shirkooda ku casuumeen ay yaboohayaan lacagtan 21 ka bilyan ah oo wax looga qabanayo maalgelinta hormarinta caafimaadka dunida.
Lacagtan ayaa lagu maalgelin doonaa dhanka baaritaanka, talaalka, daweynta, cilmi baarista la xiriirta cudurkan safmarka ah ee COVID-19, sidaasina waxaa lagu sheegay qoraalkan ka soo baxay kooxda G-20.
Sacuudi Carabiya, oo ah gudoomiyaha G20 ee sanadkan ayaa ballan qaaday lacag dhan $ 500 oo milyan, taasi oo lagu taageerayo dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo COVID-19.