LIX RABITAAN OO DAGAALKA TUKA-RAQ KU LUG LEH YAA KALA SIYAASAD

Dagaalka TUKA-RAQ wuxuu salka ku hayaa isku darkii labada dal ee 1dii July 1960 gii. Inkasta oo uu Madaxweyne Muse Biixi waqti qaldan TUKA-RAQ ku ruqaansaday iyagoon wadanku diyaar ahayn oon dhayin dhibaatooyinkii Xukuumaddii uu Madaxweyne SIILAANYO ka XANUUNSADAY iyo musumaasaqii,danguud boobka, doorashadii qori isu dhiibka ahayd, Sicir bararkii, qaybsanaanta qabaailka reer SOMALIAND iyo wax yaala badan oo kale jiraan uu ka mid yay dagaalka foosha xun ee CEEL-AFWEYN ayuu Muse iyagoon Mucaaridka la tashan dagaalku ka dhacay TUKA-RAQ.

Dagaalka TUKA-RAQ ee hada lagu dhex jiro waxaa soo if baxaya inay durba ku soo gadaamanyihiin lix RABITAAN OO midba dhinac siyaasadeed u jeedo oo dadaalo loogu jiro. RABITAAN ka koobaad waa ka Somaliland ee ah inay ka noqotay isku darkii 1960kii dunidana indhaheeda ku soo jeediso mandaqadda haddii aan wadahadal waxba lagu helayn dagaalka TUKA-RAQ waa ina daan-weyne inuu soo noqonoqdaa, gobolka SOOL na waa KAASHMIIRTII GEESKA Afrika. RABITAAN ka Puntland na waa ku qabso ku qadimayside, RABITAAN ka Mogadishu waa inuu dagaalka koonfur ka socda waqooyi keeno dunidana xoolo kaga helo xallintiisa aan dhabna ka ahayn. RABITAAN ka Ethiopia waa in billions ay ku hesho soo degidda gobolka SOOL oonay dib uga noqon doonnin. RABITAAN ka Djibouti waa dhabar jebinta Somaliland si ay maamulkeedu ula wareego baayacmushtariga arliga Somaliland oo si dadban ugu taliso dhaqaalaha Somaliland oo Imikaba ay qayb libaax ka haysato iyadoo ku soo dhuumaalaysanaysa reero iyo ganacsato. RABITAAN quwadaha waaweynina waa kii caadiga ahaa ee ay Somalia, Afghanistan, Ciraaq, Suuriya ay ka lahaayeen oo iyagu meeshay degaan nabadi way ka dheerataa sida Imikaba adduunka Muslimka ka jirta.
Somaliland sideedii sano ee u dambeeyey wax guul ah oo qaranku ku wada farxo ma iman laakiin guul darooyinku lama tirinkaro, soo qabo Musuqmqasaqii iyo danguud bookii Xukuumaddii uu Madaxweyne SIILAANYO ka XANUUNSADAY, SOO qabo doorashadii ku qori isu dhiibkaa ahayd, soo qabo Sicirbarakii xadhkaa goostay, soo qabo dagaalka CEEL-AFWEYN ee siyaasiyiinta wado, soo qabo Saldhigga Military iyo Dekedda lacagteeda lagu kala qaato Dubai, soo qabo dagaalkan TUKA-RAQ, soo qabo wada hadalada ma dhalayska ah ee Somalia la waday. Soo qabo soo qabo wax badan oo jira. Markaa reer SOMALIAND guushii dadku ku wada farxilaa maxaa ka hortaagan ee qoys qoyska u qaybiyey. Hadduu sidaa xaaladda Somaliland ku sii jirto bilaa guusha ah way saqiiraysaa, Djibouti oo dalka badh doonaysaa la arki doonaa Dekedda oo Ciidamo xabashiyi yimmaaddaan baa la arki doonaa, SOOL oo Amason ugu xoog weyn yihiin baa la arki doonaa. Haddaan Madaxweyne Muse Siyaasad dii JEEGAANTA bedelelin wadankani wuu qayb qaybsamayaa walaaciina dadkoo dhan wuu ku bilaabmay iyo wadaniyadii ay ka tegeen Madaxweyne yaashii hore ee Cabdiraxman TUUR, Maxamed X Ibrahim Cigaal iyo Riyaale, Siyaasaddii danguud boobka ahayd ee SIILAANYO ayaa wadanka AF Rogtay oo xaalkii wuxuu noqday AWR HEERYADIISA CUNA KUD HA DILEE WAAYAHA DAMBUU KURUSKU HOOLMAA. wadanku isbedel siyaasadeed oo qoto dheer ayuu u baahan yey Muse Biixi Bay ku xidhantay geesinimadiisa iyo goaan cusub qaadashadiisa.
MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker